Wednesday, October 29, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay deeq dawo ah oo ka timid Ethiopia “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay deeq dawo ah oo ka timid Ethiopia “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Labo Diyaaradood oo siday sideed tan oo dawo ah iyo dhakhaatiir kana timid dowladda Ethiopia ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, taas oo qeyb ka ah gurmadka dalalka iyo hey’addaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay u fidinayaan dadkii ku waxyeeloobay xasuuqii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Mqudisho.

Related posts

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

October 29, 2025
Wasiirka Caddaaladda oo furay wadatashi ku saabsan Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha.

Wasiirka Caddaaladda oo furay wadatashi ku saabsan Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha.

October 29, 2025

Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr. Fowziyo Abiikar Nuur ayaa u mahadcelisay dowladda Ethiopia sida ay ugu soo gurmadeen Soomaaliya,

Danjiraha Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar, oo deeqdan dawada ah ku wareejiyay Wasiirka caafimadka ayaa sheegay in gurmadkan dowladiisa u fidineyso dadka Soomaaliyeed uu tusaale u yahay xiirka wanaagsan ee labada dhinaca ka dhexeeya.

Garoonka diyaaradaha ee maanta laga soo dejiyay deeqda ka timid Xukuumadda Adis Ababa ayaa waxaa joogay Wasiiru dowladda Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Khayr, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Tan iyo markii uu dhacay xasuuqii isgoyska 14-ka October ee Ex-zoobe ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray in ka badan 10 diyaaradood oo siday dawo iyo dhakhaatiir, iyadoo dowladii ugu horeysay oo shacabka Soomaaliyeed u soo gurmaday ay aheyd dowladda Turkiga.

Previous Post

Qoysas ku nool deegaan hoostaga Degmada Beledweyne oo laga deyrinayo xaaladooda nololeed

Next Post

Salaad Janaaso ah oo lagu tukaday goobtii ay ka dhacday musiibadii 14-kii bishan “SAWIRRO”

Next Post
Salaad Janaaso ah oo lagu tukaday goobtii ay ka dhacday musiibadii 14-kii bishan “SAWIRRO”

Salaad Janaaso ah oo lagu tukaday goobtii ay ka dhacday musiibadii 14-kii bishan "SAWIRRO"

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

October 29, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Amb. Fatxudiin Cali Maxamed (Ospite), ayaa maanta ka qayb galay xaflad heer...

Wasiirka Caddaaladda oo furay wadatashi ku saabsan Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha.

Wasiirka Caddaaladda oo furay wadatashi ku saabsan Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha.

October 29, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta furay kulanka wadatashiga labada Hindise Sharciyeed: Xeerka...

Soomaaliya iyo Jarmalka oo lala saxiixday heshiis horumarineed oo la gaaraya €75 Milyan    

Soomaaliya iyo Jarmalka oo lala saxiixday heshiis horumarineed oo la gaaraya €75 Milyan   

October 29, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi horumarineed oo ka badan €75...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga

Wasiirka Ganacsiga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga

October 29, 2025
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In