Wednesday, December 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
R/Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga uga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee isbahaysiga la-dagaalanka argagixisada. Waxana kulankani ka qeybgalaya in ka badan afartan waddan, iyadoona diiradda lagu saaray dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Boqortooyada Sucuudiga ee marti gelisay shirka, wuxuuna ka waramay sida ay dawladda Soomaaliya uga go’an tahay ciribtirka kooxaha xagjirka ah.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo soo bandhigay natiijada kuraasta la kala helay

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo soo bandhigay natiijada kuraasta la kala helay

December 30, 2025
Ciidamada Xoogga Dalka oo jab xoggan gaarsiiyay Khawaarijta Gobolka Sh/Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo jab xoggan gaarsiiyay Khawaarijta Gobolka Sh/Hoose

December 30, 2025

Mudane Khadar ayaa ka warbixiyay dhibaatada kooxda Alshabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo soo qaatay qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho oo ku naf-waayeen shacab aan waxba galabsan iyo sidoo kale qaraxii bishan ka dhacay dalka Masar.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohammed Bin Salmaan, waxaana ay ka wada hadleen adkeynta xiriirka labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa kamid ah La-taliyaha Madaxweyne ee arrimaha ciidamadda S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Previous Post

Siddee ayey Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Q.S.S u qaadaa kiisaska soo gaara?

Next Post

Doorka xoreynta dalka ee Radio Muqdisho Qalinkii: Sharmaake Mohamed Warsame.

Next Post
Doorka xoreynta dalka ee Radio Muqdisho Qalinkii: Sharmaake Mohamed Warsame.

Doorka xoreynta dalka ee Radio Muqdisho Qalinkii: Sharmaake Mohamed Warsame.

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Somalia reaffirms its firm and principled position in support of the sovereignty, unity and territorial integrity of the Republic of Yemen

December 31, 2025
0

The Federal Republic of Somalia reaffirms its firm and principled position in support of the sovereignty, unity, security, stability, and...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo soo bandhigay natiijada kuraasta la kala helay

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo soo bandhigay natiijada kuraasta la kala helay

December 30, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ku dhawaaqay natiijada guud ee kuraasta ay kala heleen 20-ka urur...

Ciidamada Xoogga Dalka oo jab xoggan gaarsiiyay Khawaarijta Gobolka Sh/Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo jab xoggan gaarsiiyay Khawaarijta Gobolka Sh/Hoose

December 30, 2025
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor iyo Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda Qaranka, oo dhawaan la wareegay deegaannada Gendershe iyo...

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Istanbuul ku soo bandhigay guusha sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee dalkeenna

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Istanbuul ku soo bandhigay guusha sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee dalkeenna

December 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In