Monday, March 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirro+Taliska ciidanka X.D.S. oo sheegay in ay heleen xog la xiriirta horjoogaha ugu sarreeya Al shabaab

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirro+Taliska ciidanka X.D.S.  oo sheegay in ay heleen xog la xiriirta horjoogaha ugu sarreeya  Al shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Qeybta 43 Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya general Ismaaciil Saxardiid oo wareysi gaar ah siiyay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in xoggo ay heleen ay sheegayaan in Horjoogaha ugu sareeya Aragagxisada Al shabaab Axmed Diiriye uu ku dhuumaaleysanayo qeybo ka mid Gobalka Gedo.

Taliyaha ayaa sheegay in Horjooge Axmed Diiriye uu kasoo cararay Degmada Jilib ee Gobalka Jubada dhexe, kaddib Cadaadis xoggan oo uu kala kulmay Hawlgallada dhulka iyo Cirka ee Ciidamada Xoogga Dalka iyo Saaxiibada Caalamka ay ku ciribtirayaan Argagaxisada Al shabaab.

Related posts

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

March 2, 2026
Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

March 2, 2026

“Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in Horjoogaha Al shabaab ugu sarreeya uu ku dhuumaaleysanayo qeybo ka mid ah Gobalka Gedo, isagoo ka soo cararay Degmada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe halkaas oo uu ku dhuumaaleysan jiray, isagoo ka baxsanaya hawlgallada iyo duqeymaha Ciidamada xoogga dalka iyo Saaxibada caalamka ay ka wadaan qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya”.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Horjoogaha ugu sareeya Nabad diidka Al shabaab uu ugu cararay Gobalka Gedo inuu baxsado maadaama ay soo wajahday baqdin xoogan laakiin Sirdoonka Soomaaliya iyo ciidamadda Xoogga dalka ayaa ku bartilmaameedsan doono goob kasta oo uu ku dhuumaaleysanayo.

Sidoo kale General Ismaaciil Saxardiid Keedsane waxa uu sheegay nabadiidka Al-shabaab goobaha ay joogaan ay dhibaato ku hayaan shacabka ku nool isagoona balan qaaday in degaanadaasi dhawaan ay la wareegi doonaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar u yihiin dagaalka guud ahaan dalka looga saarayo Argagaxisada Al shabaab, iyagoo ay u dhameystiran yihiin qalabkooda, si fiicana loo dhiiri galiyay, waxay sidoo kale heystaan balanqaadyo dhiiri galin ay u sameeyaan Madaxda Qaranka oo waqti kasta garab taagan

Previous Post

Akhriso: Nuxurka Khudbadihii laga jeediyay Maalintii Labaad shirka ka socda Muqdisho+Sawirro

Next Post

Sawirro+Warbixin: Guulaha Safarkii Wafdigii D. F. Somalia ee Qatar

Next Post
Sawirro+Warbixin: Guulaha Safarkii Wafdigii D. F. Somalia ee Qatar

Sawirro+Warbixin: Guulaha Safarkii Wafdigii D. F. Somalia ee Qatar

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

March 2, 2026
0

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka ee loogu talagalay dadka ay abaartu...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

March 2, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa howlgal bartilmaameed ah ku dilay Horjooge sare oo...

Tartamayaasha Diinsoor oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Diinsoor oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 2, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo safar shaqo oo gurmadka abaaraha ku maraya Galmudug oo gaaray Cadaado

Guddoomiyaha SoDMA oo safar shaqo oo gurmadka abaaraha ku maraya Galmudug oo gaaray Cadaado

March 1, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehlinayaan Guddiga Abaaraha Galmudug, isla markaana safar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In