Shirkani dib u heshiisiinta ah oo loo qabtay bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo ayaa maalintii labaad ka soconaya degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Waxaa shirkaasi ka qeybgalaya wakiilo ka kala socoday degmooyinka Gobolka gedo,kuwaasi isdhaafsanaya argti ku aadan sidii loo xoojin lahaa dib u heshiisiinta iyo is dhexgalka baulshada,taasi o horseedeysa in la dhiso Golaha Deegaanka.
Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowlad Gobaleedka Jubaland ayaa hormud ka ah habsmai u socodka shirkani ka socoda Degmada Dolow,iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay Xalinta Qilaafadka,nabadgalyada iyo
dib uheshisiinta Dadka Wada dega Gobalka Gedo,wuxuuna socodoona muddo ku siman 5 maalmood.
Shirkan dib u heshiisiinta ayaa qeyb ka ah dadaalo Wasaaradda arrimaha Gudaha Federalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ay ku doonayso sidii loo dhisi lahaa Golayaashi deegaanka ee Gobolada Dalka.
Cabdi Faarax Siciid(Juxa) Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Soomaaliya oo dhawaan safar ku tagay degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in uu socdo qorshe guud oo ku aadan dhismaha dowladaha Hoose,isagoo tusaale u soo qaatay in degmooyinka qaar ee Koonfur Galbeed laga dhisay Golayaasha Deegaanka,taasi oo horseedeysa in shacabku ay helan fursado.