Munaasabad lagu soo bandhigayo waxqabadka & Dowalad Wanaagga Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda ka socota Muqdisho.
Waxaa ka qeyb galaya Wasiiro uu kamid yahay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi raxmaan Ducaale beyle, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Masuuliyiin kale.
Wasiir Beyle ayaa khubad ka jeedin doona Madasha isagoo soo bandhigi doono Hormarada ay ku taalabsatay wasaaradda Maaliyada iyo qorshaha sanadka cusub.
Wasraadadda Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Ku guuleystay in ay kobciso dhaqaalaha Dalka iyadoo bixsay Mushaaraadka shaqaalaha Dowladda sida Ciidamada iyo shaqaalaha Rayidka taasoo keentay in hay’adda Lacagta Aduunka IMF iyo Beesha Caalamka ay Wasaaradda Ku amaaneen Hanaanka hufan ee ay Ku talaabsatay Sanadkii 2017-ka.
Wasaaradda waxay Ku dadaaleysaa in Soomaaliya laga cafiyo Deymaha Caalamka ay Ku leeyihiin iyadoo kalsooni ku qabto in Soomaaliya dhawaan laga cafin doono deymahaasi, taasoo wax weyn ka tari doonta dhaqaalaha dalka.