Sunday, July 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Ra’iisul Wasaare Khayre “Dawladda waxaa ka go’an sidii ay u xoojin laheyd tayada iyo tababarka Ciidamada Soomaaliyeed“ SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 3, 2018
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre “Dawladda waxaa ka go’an sidii ay u xoojin laheyd tayada iyo tababarka Ciidamada Soomaaliyeed“ SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, January 3, 2018—Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa ka qayb galay munaasabad loo sameeyay dufcad ka mid ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhameystay tababar.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaana boggaadiyey saraakiishan cusub ee Boliiska Soomaaliyeed, waxuuna ku amaanay sida ay ugu soo hureen naftooda in ay u shaqeeyaan dalkooda, isla markaana ay ka filayaan isbadal ballaaran oo la taaban karo inay ku soo kordhin doonaan guud ahaan ammaanka dalka.

Related posts

Dab ka kacay diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines

Dab ka kacay diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines

July 27, 2025
Ciidamada Qaranka oo fashiliyay dhagar ay khawaarijtu qorshaynaysay inay ka gaystaan deegaan dhaca Hiiraan

Ciidamada Qaranka oo fashiliyay dhagar ay khawaarijtu qorshaynaysay inay ka gaystaan deegaan dhaca Hiiraan

July 27, 2025

“Waxaan idinku hambalyeynayaa sida wanaagsan ee aad diyaarka ugu tihiin difaaca dalkiina hooyo, waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada, waxaana ku kalsoonahay inaad waajibaadkiina si weyn uga soo bixi doontaan, Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an sidii ay u xoojin laheyd tayada iyo tababarka Ciidamada Soomaaliyeed’’.Ayuu yiri R/W Khayre.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u xiray saraakiishan cusub darajooyin, isagoo sheegay in ay wax weyn ka badeli doonaan hannaanka Booliska iyo sidii mar kale dib loogu soo celin lahaa kaalintii fir-fircooneyd ee ku lahaayeen amniga guud ee dalka.

—DHAMMAAD—-

 

Previous Post

Madaxwaynaha Puntland oo baneeyey Waddooyin kala Xirnaa ee Gaalkacayo “SAWIRRO”

Next Post

DAAWO:- Wareysi Gaar Ah Oo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed

Next Post
DAAWO:- Wareysi Gaar Ah Oo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed

DAAWO:- Wareysi Gaar Ah Oo Ra'isulwasaaraha Xukuumadda Siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed

Dab ka kacay diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines

Dab ka kacay diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines

July 27, 2025
0

Rakaabkii saarnaa diyaaradda American Airlines ayaa si deg-deg ah looga daadgureeyay qaybta badbaadada ee diyaaradda, kadib markii ay soo wajahday...

Ciidamada Qaranka oo fashiliyay dhagar ay khawaarijtu qorshaynaysay inay ka gaystaan deegaan dhaca Hiiraan

Ciidamada Qaranka oo fashiliyay dhagar ay khawaarijtu qorshaynaysay inay ka gaystaan deegaan dhaca Hiiraan

July 27, 2025
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa xaq-udirirka deegaanka ayaa hawlgal ay u fuliyeen si wadajir ah, waxa ay ku fashiliyeen dhagar...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay qaar ka mid ah ururrada haweenka ee SSC-Khaatumo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay qaar ka mid ah ururrada haweenka ee SSC-Khaatumo

July 27, 2025
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee SSC-Khaatumo ayaa xarunta dhexe ee Guddiga ee ku taalla magaalada Laascaanood...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 26, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa kulan Wadatashi ah la qaatay wax-garadka mid ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In