Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho

Dadka gobolka Hawaii oo ka khalkhalay digniin weerar gantaal

caqiil by caqiil
8 years ago
in Uncategorized
0
Dadka gobolka Hawaii oo ka khalkhalay digniin weerar gantaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barasaabka gobolka Hawaii ee waddanka Mareykanka, David Ige, ayaa sheegay in mid ka mid ah howlwadeenadooda uu si khaldan u riixay bar loogu talagay in laga dirro digniinaha khatarta soo wajahan, taas oo dadka loogu diray digniin ah in gantaal riddo dheer uu gobolka ku soo wajahan yahan.

Mr Ige ayaa raaligelin ka bixiyay khaladkaas dhacay waxa uuna sheegay in la qaaday tallaabooyin loogaga hortageyo in khaladkan uu markale soo laabto.

Related posts

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday labo dhagarqabe

Ciidamada NISA oo hawlgal kusoo qabtay xubno ka tirsan Khawaarijta

July 12, 2026
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026

Dadka gobolka Huwaii ayaa aroortii hore ee subaxii Sabtida waxa ay hal mar ku baraarugeen digniin culus oo ah in gantaal riddo dheer uu ku soo wajahan yahay ayna tahay inay gabbaad raadsadaan.

Fariin lagu soo gudbiyay Mobile-ka ayaa dadka loogu sheegay “Gantaal riddo dheer ayaa gobolka Hawaii ku soo wajahan ee gabbaad raadso. Tani ma ahan ciyaar ciyaar”.

Balse markii dambe digniintaasi ayaa waxa ay noqotay mid si khalad ah lagu diray.

Barasaabka gobolkaasi David Ige ayaa khaladka dhacay raaligelin ka bixiyay waxa uuna sheegay in qof ka mid ah howlwadeenadooda uu si khaldan u riixay meesha laga diro digniinaha culus.

Dhanka kale dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in baaritaan buuxo arrintaasi lagu sameyn doono.

Hannaan lagu diro fariimmaha degdega ah ayaa gobolkaasi ku rakiban sababtana waxaa lagu sheegay halka uu gobolkaasi ku yaal oo ay suuragal tahay in gantaallada Kuuriyada Waqooyi ay soo gaari karaan.

Gobolka ayaa markii ugu horraysay tan iyo dhammaadkii Dagaalkii qaboobaa ee dunida waxa uu bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafay tijaabiyay dhawaqa digniinaha.

BBC

Previous Post

President Farmajo arrives in Galkayo town

Next Post

Dhageyso: Shir looga hadlayo arrimaha abaarihii Dalka ka dhacay oo maanta ka furmaya Kismaayo

Next Post
Dhageyso: Shir looga hadlayo arrimaha abaarihii Dalka ka dhacay oo maanta ka furmaya Kismaayo

Dhageyso: Shir looga hadlayo arrimaha abaarihii Dalka ka dhacay oo maanta ka furmaya Kismaayo

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday labo dhagarqabe

Ciidamada NISA oo hawlgal kusoo qabtay xubno ka tirsan Khawaarijta

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley ka fuliyey howlgal...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali(Dhaay), ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

July 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E.Abdisalam Ali, held a telephone conversation...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa soo xiray tababar laba toddobaad socday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In