Sunday, May 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faah faahin ka soo baxaysa howlgalo lagu dilay horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Shabaab ka tirsan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Faah faahin ka soo baxaysa howlgalo lagu dilay horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Shabaab ka tirsan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amnigga Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo Shir Jiraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa Xaqiijiyay in 38 ka Tirsan Maleeshiyadda Al-Shabaab lagu dila hawlgallo 24-saac ugu dambeyay ka dhacay deeganada Beerxaani, Kaamjaroon, Araare iyo Jamaamme.

Wasiirka oo la hadlay Jubbaland Tv ayaa sheegay in hawlgaladda ay sii socon doonan,ilaa maleeshiyada Alshabaab laga saaro deegaanada Jubbaland,waxaana howlgalkaasi fuliyay ciidmada Kumaandooska Soomaaliya,kuwa Jubbaland oo kaashanaya Saaxiibada caalamiga ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026
Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

May 3, 2026

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Axmed Madoobe uu soo dhaweeyey howlgaladaasi oo ka dhanka ah maleeshiyada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay howlgaladaasi ka dhanka ah Alshabaab,isagoo ku booriyay in ay sii xojiyaan gulufka lagu cirib tirayo Alshabab.

Dhanka kale howlgal ay deegaanka Baladul Amiin ee Gobolka Shabeelada Hoose,gaar ahaan halka lagu magacaabo Jama Jilaayo ka fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa waxaa ay ku dileen horjooge ka tirsanaa Alshabab.

Horjoogaha la dilay ayaa lagu magacaabaa Cusmaan Yuusuf Mayow waxaana uu howlgalkaasi ka dhacay xarun la sheegay in Alshabaab ay  u adeegsadaan in ay ku tababaraan caruurta ay ka soo wataan waalidiintooda,taasi oo lagu magacabo SHeeklh Xasan Barsame,Sida ay SONNA u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya.

Caruurtan oo ay shabaabku ka keeneen gobolo kaladuwan ayaa da’dooda u dhexeysa 8 ilaa 15 sano jir,kuwaasi oo gud ahaan tiradooda gaaraysa 38 caruur ah.

Previous Post

Udiyaar garowga soo dhaweeynta wafdiga Madaxweynaha ee Balanbale  

Next Post

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay Canada 

Next Post
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay Canada 

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay Canada 

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026
0

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka qayb galaya in ka badan 35 suxufi oo ka kala socda...

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

May 3, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamza Haadow, ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada...

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay martiqaadka Dowladda...

Maamulka Gobolka Banaadir oo amar dul dhigay shacabka ku dhaqan caasimadda

Maamulka Gobolka Banaadir oo amar dul dhigay shacabka ku dhaqan caasimadda

May 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Waaxda Nadaafadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Suudi,ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda inay ka taxaddaraan qashinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In