Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shalay Saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey socdaalkii Nabadda iyo dib u heshiisiinta, isagoona sheegay in si dhow uu ula soconayo dhammeystirka fulinta mashaariicda uu dhagax dhigay.
Sidoo kale,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan uu magacaabayo guddi ka shaqeeya, dabagalka fulinta mashaariicda horumarineed ee uu ka dhagax dhigay deegaannadii uu socdaalka kusoo maray.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Guddigaan uu magacaabayo ujeedkooda tahay sidii dabagal ay ugu sameyn lahaayeen mashaariicdii uu soo ballan qaadey, si loola socdo dhaqan galkooda,wuxuuna dhanka kale madaxweynaha uu sheegay iney Dowladda ka go’an tahay iney kaalinteeda ka qaadato.”
Hadaba Halkaan Hoose waxaana idin kugu soo gudbineynaa 18-ka mashaariic uu madaxweynaha dhagax dhigay.
- Wado Laami isku xirta Garoowe & Eyl (222km)
- Wado Laami isku xirta Kala Bayr & Caluula(376km)
- Wado Laami isku xirta Galkacyo & Hobyo (264km)
- Wado Laami isku xirta Hobyo & Caabudwaaq (355km)
- Dayactirka laamiga isku xira Dhuusamreeb & Gaalkacyo (235km)
- Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta-Gaalkacyo-Galmudug
- Xabsiga dhexe ee Galmudug – Galkacyo
- Xarunta xanaaneynta agoonta Ahlusuna – Dhuusamareeb
- Dugsiga Farsamada Gacanta – dhuusamareeb
- Dhismaha Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb
- Dhismaha xabsiga magaalada Dhuusamareeb
- Dhismaha Jaamacadda Umadda Gaalkacyo
- Dhismaha Jaamacadda Umadda Cadaado
- Dhismaha Jaamacadda Umadda Dhuusamareeb
- Dhismaha Jaamacadda Umadda Caabudwaaq
- Dhismaha Xabsiga Caabudwaaq
- Garoonka diyaaradaha Cadaado
- Dhismaha Dekedda Hobyo