Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha Xukuumadd oo ka qeybgalay xaflad loogu muujinayay waxqabadka xukuumadda 

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Sawirro+Ra’iisul Wasaare Khayre “Ma aqbali karno in Magaalada Muqdisho laga dhigo meel dadka lagu xasuuqo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladan oo lagu qabtay xarunta Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta ayaa ujeedadeedu aheyd in xukumadda looga mahadceliyo bixinta mushaaraadka shaqaalaha ee sanadkii tegay iyo xuska sanadguurada koobaad ee ka soo wareegtay dib u howlgelinta xiriirka guud ee ururada shaqaalaha, waxaana ka qeybgalay R/wasaaraha dalka mudane Xasan Cali Kheyrre, wasiirka Maaliyadda, wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, gudoomiyaha guddiga Qaran ee shaqaalaha rayidka ah  iyo qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda.

C/qaadir Nuur Xuseen “Maax” gudoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed oo halkaasi ka hadlay ayaa xukuumadda ku amaanay dadaalkeeda ku wajahan hagaajinta nolosha shaqaalaha dowladda iyo guud ahaan bulshada inteeda kale.

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

Gudoomiyaha gudiga Qaran ee shaqaalaha rayidka ah mudane Xasan Abshirow ayaa sidoo kale soo dhaweeyay sida ay xukuumaddu ugu guuleysatay bixinta mushaaraadka sanadki la soo dhaafay, isagoo shaqaalahana ku boorriyay iney si hufan u gutaan waajibaadkooda.

Gudoomiye ku xigeenka xiriirka guud ee ururada shaqaalaha Nuur Axmed Diiriye ayaa ka hadlay taariikhda waxqabad ee xiriirka guud ee ururada shaqaalaha, isagoo tilmaamo ka bixiyay ahmiyadda ay ururada shaqaaluhu u leeyihiin horumarka dalka, wuxuuna ammaanay waxqabadka xukuumadda.

Gudoomiyaha xiriirka guud ee ururada shaqaalaha C/risaaq Macalin Cilmi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa shaddooyin gudoonsiiyay R/wasaare Kheyrre, wasiirka maaliyadda iyo mas’uuliyiin kale, isagoo ku amaanay waxqabadkooda.

Wasiirka Maaliyadda C/raxman Ducaale Beyle ayaa sheegay in shaqaaluhu ay joogto u helidoonaan mushaaraadkooda, ayna ku dadaali doonaan sidii loo dhameystiri lahaa dhamaan xuquuda shaqaalaha.

R/wasaare Xasan Cali Kheyre oo gabagabadi kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in hadafka dowladdu ka weynyahay bixinta mushaaraadka oo kaliya, wuxuna intasi ku daray in xukuumaddiisu ku dhisantahay isla xisaabtan, isagoo tilmaamay in ururada shaqaaluhu ay lafdhabar u yihiin dowladnimada.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo Joojiyey Dhismaha ka socda Dhulka ka soo horjeeda dekedda.

Next Post

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

Next Post
Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In