Ugu yaraan 90 boqolkiiba Muslimiinta Rohinga ayaa guryahooda ka soo cararay gobolka Arakan ee wadanka Myanmar tan iyo bishii Agoosto waqtigaas oo ay bilaabantey tacadiyo ka dhana qowmiyada muslinka ah ee Rohinga
Kooxaha u dhaqdhaqaaqa Rohingaha waxay kusoo waramayaan in tirade ay intaa ka badan tahay qawmiyada Rohinga ayaa bilawdey inay ka cararaan wadankooda ka dib markii mudo laga joogo lix bilood lagu bilaabay isir goyn taasoo ay wadeen ciidamda militariga wadanka Myanmar iyo kooxo Buudiyiin ah
Sida laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Dhakhaatiirta aan Xuduuda lahayn MSF ugu yaraan 9,000 Rohingyas ayaa lagu dilay gobolka Arakan bil gudaheed bishii Agoosto 25, sida ay kusoo waramayaan warbaahinta maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba in ay ku dhinteen kumanaan qof. Kumanaan qofna ay ku noolyihiin wadanka dariska la ah ee Bangladesh
Dhanka kale, wasiirada arrimaha dibedda ee wadamada Midowga Yurub ayaa isku raacay in ay diyaariyaan cunaqabateyn la saaro hoggaamiyeyaasha ciidamada ee Myanmar kuwaasoo la aaminsanyey inay ka dambeeyaan dilka loo geysto Muslimiinta Rohingya
Sidoo kale in la xoojiyo xayiraadda hubka ee saran Myanmar
Baaqan ka soo baxay midawga yurub ayaa ah talaabadii ugu wayneyd ee ay ka qaadaan midawga yurub mudadii lixda bilood ahayd ee xaalada adagi ka taagneyd wadanka Myanmar