Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbland oo qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbland oo qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Carlo Campanile.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda soomaaliya gaar ahaan ammaanka  iyo dib u kabashada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Kulanka Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirka waxaa kale oo  ii diirada lagu saaray hanaanka maalgashiga Talyaaniga oo wakhtigii Dowladii Dhexe maalgalin xoog leh ku sameeyay dalka.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Danjiraha sidii dib boorka looga jafi lahaa mashruucyo iyo ilo maalgashi oo Talyaanigu kal hore ka hirgaliyay deegaanka si gaar ahna in ganacsatada Talyaanigu ay u furan tahay in ay deegaanka maalgashadaan.

Arimaha nabadgalyada ayuu Madaxweynaha Jubbaland Dowlada Talyaaniga ku booriyay in ay sii laba laabaan gaar ahaan  taageerada dhinaca ammaanka si xasiloonidu u noqoto mid adag oo aan liiq liiqan.

Dhinaca kale Danjire Carlo Campanile ayaa amaanay dadaalka Jubbaland ee nabadgalyada iyo dib u dhiska isagoo sheegay in ay maalgalin ku samayn doonan deegaanka isla markana dhinaca ammaanka ay Soomaaliya oo dhan wax weyn kala qabanayaan.

Safiirka ayaa booqday Xarumo kala duwan oo ku yaala Magaalada Kismaayo oo ganacsato iyo shirkado Talyaani ah ay gacanta ku hayeen wakhtigii Dowlada dhexe ay talada haysay.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Magaaladda Doha kula kulmay Taliyaha Xabsiyadda Qatar ‘’Sawirro’’

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wafdi ka socda Dowladda Masar”SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wafdi ka socda Dowladda Masar”SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wafdi ka socda Dowladda Masar"SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In