Wednesday, September 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qeybtii 2-aad ee Maxaabiis laga soo daayay Xabsiyada Liibiya oo Muqdisho ku soo Wajahan+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 6, 2018
in Wararka
0
Qeybtii 2-aad ee Maxaabiis laga soo daayay Xabsiyada Liibiya oo Muqdisho ku soo Wajahan+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo u waramayay Wakaaladda SONNA ayaa faah faahin ka bixiyay qeybtii labaad ee maxaabiis Dowladda Soomaaliya ay ka soo deysay xabsiyada Dalka Liibiya,kuwaasi oo soo amba baxay.

Danjire Cai Siciid ayaa xusay in haatan 13 qof oo kamid ah qeybtii labaad ee Maxaabiistaasi ay diyaarada ka soo qaaday Magaalada Tripoli ee Dalka Liibiya,kuwaasi oo kusoo wajahan Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025

“Waxaa Garoonka magaalada Tripoli ee Liibiya ku sagootinay 13 qof oo dhalinyaro ah oo laga soo bixiyay Xabsiyada Taruja iyo Ziika, sedex iyo tobankaasi dhalinyaro Xamar ayay ku soo socdaan, waxay soo marayaan Tunis, kadib Istanbul kadib Xamar ayay beri ku soo wajahanyihiin, 48 kale oo hadda isqortay oo hawshooda ay diyaar yihiin waxaan rajaynaynaa in Isbuuca soo socda ay soo amba baxaan,halmar diyaarad looma heli karo oo ay ku wada imaan karaan, sidaasi ayaa loo kala qaadaa”. Ayuu Yiri AMb. Fiqi.

Cali Siciid Fiqi Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa xusay in dadkan la soo daayay ay yihiin kuwii ku jiray xabsiyada ku yaala goobaha ay gacanta ku hayso Dowladda Liibiya, isagoo xusay in kuwa kale ee kujira gacanta magafayaasha aan loo tagi Karin sababo dhanka ammaanka laxiriira.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii loo soo deyn lahaa dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ku jira xabsiyo kuyaala dalalka Caalamka, Maalin ka hor ayay ahayd markii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho laga soo dejiyay 76 qof oo ahaa tiradii ugu dambeysay maxaabiis in muddo ah ku xirnayd xabsiyada Dalka India.

Horey waxay Dowladdu u soo deysay maxaabiis ku jirtay Xabsiyada wadamo kale,sida Itoobiya iyo Jasiiradda Seychelles, waana markii ugu horeysay tiro intaasi la eg oo maxaabiis Soomaaliyeed ah laga soo daayo xabsiyada Caalamka.

Previous Post

Koreas reach ‘satisfactory’ agreement

Next Post

DAAWO:- Barnaamijka DOOD FURAN Oo Aynu Isugu Keennay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Bulshada

Next Post
DAAWO:- Barnaamijka DOOD FURAN Oo Aynu Isugu Keennay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Bulshada

DAAWO:- Barnaamijka DOOD FURAN Oo Aynu Isugu Keennay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Bulshada

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan casho-sharaf ah kula yeeshay Agaasimaha...

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

September 10, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo miro dhal ah kula yeeshay magaalada Addis-ababa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In