Thursday, August 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo la kulmay wafdi ka socdey hey’adda ICRC

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 7, 2018
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Puntland oo la kulmay wafdi ka socdey hey’adda ICRC
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay wafti ka socdey hay’adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya Simon Brooks.

Wafdiga hay’adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya Simon Brooks waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan hay’adda ICRC oo ay ka mid ahaayeen isu duwaha hay’adda ICRC Soomaaliya Peter Lick Iyo Madaxa hay’adda ICRC xafiiskeeda Garoowe Abdifatah Fandhaal.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

August 13, 2025
Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

August 13, 2025

Kulanka Madaxweynha iyo hay’adda ICRC oo ka dhacay Magaalada Garawe ayaa waxaa looga hadley halka ay marayaan mucaawinooyinka banii’ aadaminimo iyo hawl gallada kale ee ay Hay’adda ICRC ka fuliso deegaanada Puntland sida Caafimaadka, biyaha iyo kaalmada qoyska.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku boorriyey in ay dardar geliyaan hawlaha shaqo ee ay hay’addu ka waddo Puntland isla markaana ay xoogga saaran hirgelinta ceelasha biyaha iyo dib u dayactirka ceelasha hawl-gabka noqday.

isagoo sidoo kale sheegay in fiira gaara la siiyo lagana war qabo dadka shacabka ah ee dagan buuraha Gal-Gala oo ay saameeyeen dagaalada kooxda arga gixisada ah ee Al-Shabaab.

Madaxa  ICRC ayaa ka mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Puntland islamar ahaantana sheegay in Puntland iyo Hay’adda ICRC ay ka dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan.

C/wali Gaas ayaa ku booriyey Hay’adda ICRC inay kor u qaadaan adeegyadooda maadaama ay jiraan abaaro soo noq-noqdey oo mar walba saameeya nolosha reer guuraaga.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa hay’adda ICRC Soomaaliya ayaa isku afgartay dhammaan arimiihii ay ka wada hadleen, ay uu ballan-qaadeen Madaxa Hay’adda ICRC in ay dardar gelin doonaan guud ahaan mashaariicda ay ka wadaan Deeganada Puntland.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Qeybta Labaad Maxaabiis laga soo daayay Xabsiyada Liibiya oo Muqdisho soo gaaray

Next Post
Qeybta Labaad Maxaabiis laga soo daayay Xabsiyada Liibiya oo Muqdisho soo gaaray

Qeybta Labaad Maxaabiis laga soo daayay Xabsiyada Liibiya oo Muqdisho soo gaaray

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

August 13, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay culimo, ganacsato iyo wakiillo...

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

August 13, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kuwait, ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

August 13, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

August 13, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In