Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah Furay Mashruuc Dib loogu dhisayo magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah Furay Mashruuc Dib loogu dhisayo magaalada Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay wajiga 1aad ee mashruuca dib u dhiska magaalada Muqdisho oo ay maal gelinayso Dawladda Jarmalka.

Wajiga koowaad ee Mashruucan oo ku bilaaban doonaa dhismaha 19 waddo oo laga hirgelin doono Degmooyinka Xamerweyne, Shingaani, Cabdicasiis, Xamar-jajab, Hawlwadaag, Boondheere, Warta Nabada iyo barnaamijyo qeyb ka qaadanaya shaqo abuurka dhalinyarada ayaa waxaa daah furkiisa qeyb ka ahaa Safiirka Dawladda Jarmalka ee Soomaaliya Marwo Jutta Gisele Frasch.

Related posts

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

February 19, 2026

Eng. Yarisow ayaa ku bogaadiyey khubarada iyo howlwadeenada Dawladda Hoose ee Muqdisho sida ay ugu guuleysteen fulinta diyaarinta Mashruucan, isagoona tilmaamay in uu fursado shaqo u yahay dhallinyarada, Haweenka, Barakacayaasha iyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan gobolka Benaadir.

“Mashruucan wuxuu waafaq-sanyahay aragtideenna ku aaddan in fursado shaqo loo abuuro dhallinyarada iyo horumarinta koboca dhaqaaalaha magaalada Muqdosho. taasoo fududaynaysa isu socodka, adeegyada iyo isedhexgalka bulshada.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow oo uga mahadceliyey dawladda Jarmalka kaalmada iyo wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulku Gobolka Benaadir uu kala shaqayn doono Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ay wada shaqayntu ka dhaxeyso si loogu fuliyo mashruucan hannaan hufan oo waafaqsan dawlinimada iyo maamul wanaagga.

Munaasabadda furitaanka mashruucan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Diblumaasiyiin iyo masuuliyiinta Maaulka Gobolka Benaadir.

Previous Post

Wasiirka Amniga gudaha XFS oo la kulmay Wasiirka arrimaha gudaha Dalka Urdun “Sawirro”

Next Post

Wasiirka Gaadiidka oo soo saaray amaro ku saabsan hanaanka duulimaadyada “Akhriso+sawirro”

Next Post
Wasiirka Gaadiidka oo soo saaray amaro ku saabsan hanaanka duulimaadyada “Akhriso+sawirro”

Wasiirka Gaadiidka oo soo saaray amaro ku saabsan hanaanka duulimaadyada "Akhriso+sawirro"

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 19 Febraayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta...

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

February 19, 2026
0

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in siyaasadda iyo diblomaasiyadda ay hoggaaminayaan madaxda qaranka ay horseed u noqotay in Soomaaliya hesho...

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

February 19, 2026
0

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa ka warbixiyay heshiis cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In