Sunday, June 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Soobe oo ka soo laabanaya Dalka Turkiga.+Sawirro

caqiil by caqiil
March 8, 2018
in Wararka
0
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Soobe oo ka soo laabanaya Dalka Turkiga.+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Soobe ayaa Xalay Laga Soo Sagootiyay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.

Safaaradda soomaaliya ee dalaka  Turkiga oo gacan wayn kahelaysa  Wasaaradda Caafimaadka ee Dalaka Turkiga ayaa si wada jir ah u soo sagootiyay Bukaanadii ugu dambeeyaya  qaraxii  14kii October ka dhacay Soobe  oo mudo badan lala taacalayay dhibaatadii ka soo gaartay.

Related posts

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

June 14, 2025

Dowlada aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa isku xilqaantay sidii ay u lataacaali laheyd dhawacyadii qaraxii 14kii October oo saameyn wayn ku yeeshay dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo u ahyed maalin madow Khasaarihii uu geystay  qaraxaas, iyadoona deeq daawo iyo caafimaad iskugu jirta ugu deeqday dhamaan bukaanadii ku wax yeeloobay , una qaaday dhawacyadii liitay dalka Turkiga si ay u helaan deeq caafimaad.

Bukaanadan oo ka koobnaa 6 ruux ayaa ka soo amababaxay Garoonka diyaaradaha  ee magaalada Ankara oo ay ka sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka  ee Turkiga, waxaana lagu wadaa in ay soo gaaraan  maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa dadaal dheer u gashay sidii ay ugu kuur gali laheyd Bukaanadaas, iyadoona  u xilsaaratay  Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga  C/qaadir Maxamed  Xuseen Barqadle.

Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Barqadle  ayaa warbaahinta qaranka Soomaaliyeed u sheegay  in dhamaan dhawacyadii soo gaaraay dalka Turkiga  dib loogu celiyay muqdisho, iyagoo caafimaad qaba, guud ahaan dhawacyadaas oo ka koobnaa 35 ruux iyo 34 ruux oo la socotay.

Xoghayaha labaad ee Safaaradda ayaa si wayn ugu mahadceliyay Dowlada Turkiga ,kuna amaanay sida ay iskugu xilqaantay una caawisay bukaanadii ay wax yeeladu ka soo gaaratay qaraxii 14kii October ka dhacay  muqdisho.

Previous Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo ka Tacsiyeeyay Geerida Xildhibaan Kabaweyne iyo Wasiiru Dowlihii Amniga Koonfur Galbeed

Next Post

Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Liibaan Cali Maxamed u magacaabay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

June 14, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo...

Boqorka dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya dalkaasi

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay boqorka dalkaasi

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHIO: Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalalka Scandanevian-ka Danjire Cabdikariim Axmed Maxamed ayaa warqadihiisa aqoonsiga waxaa ka guddoomay...

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen? Waxay arkeen dhulka badda ka hooseeya sida u dhisan yahay –...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In