Wednesday, February 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro+Wasiir Xoosh “Inaga iyo Ururrada Bulshada Rayidka waxaan ku midoownay ka shaqeynta danta Dalka iyo Dadka”

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Sawirro+Wasiir Xoosh “Inaga iyo Ururrada Bulshada Rayidka waxaan ku midoownay ka shaqeynta danta Dalka iyo Dadka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Ururada Bulshada Rayidka ee kala ah SOSCENSA iyo PUNSAA ayaa muqdisho ka dhacay, kulanka ayaa ku saabsanaa warbixin ay Bulshada Rayidka ka dhageeysanayeen Wasaaradda oo ku aadaneeyd wadashaqeynta Wasaaradda iyo Guddiga La-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal.

Ururada Bulshada Rayidka ayaa ugu horeeyn waxa ay la soo kulmeen Guddiga Labada Aqal iyaga oo ka soo dhageeystay warbixin, kadibna waxa ay kulan la qaateen Wasaaradda si arinta taagan ay Bulshada Rayidka door wanaagsan uga qaataan.

Related posts

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

February 10, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa aad u soo dhaweeyay sida ay Bulshada Rayidka ay isku xilqaameen isaga oo sheegay in ay tahay astaan muujineysa sida dalka Soomaaliya u leeyahay mustaqbal wanaagsan.

“Inaga iyo Bulshada Rayidka sanad ka hor waxa aan ku midoownay ka shaqeeynta danta dalka iyo dadka, runtii marqaati ayaad ka tihiin sida ay marwalba nooga go’antahay in aan wadashqeeynta ilaalinno; waa bilow wanaagsan in Bulshada Rayidka ay isku xilqaamaan xalinta arin walba oo taagan waana ififaalo waanaagsan oo muujineysa mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya ay leedahay” ayuu yiri Wasiirka.

Dhankooda Gudoomiyaha SOSCENSA Diini Maxamed Diini iyo Gudoomiyaha PUNSAA Feysal Axmed Warsame ayaa waxa ay Wasaaradda uga mahadceliyeen sidii wanaagsaneyd ee Wasaaradda sanadkii la soo dhaafay ula shaqeeysay Bulshada Rayidka, waxa ayna hoosta ka xariiqeen in Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay tahay Wasaaradda ugu wanaagsan hay’adaha dawladda ee wadashaqeeyn aad u wanaagsan la leh Ururada Bulshada Rayidka. Labada Gudoomiye waxa ay sheegeen in arinta ka dhex taagan Wasaaradda iyo Gudigga Baarlamaanka ay door wanaagsan ka ciyaari doonaan sidii loo xalin lahaa.

Ugu dambayn, Wasiir Cabdi Xoosh ayaa soo dhaweeyay wax walba oo xal ah si wadashaqeynta iyo iskuduubnida loo xoojiyo oo hawsha Qaran loogu qabto si hufnaan leh oo waqtiyeysan.

Previous Post

Sawirro+R/wasaare kuxigeenka XFS oo shir Caalami ah kaga qeybgalaya Dalka Hindiya

Next Post

Ururka Jaamacadda Carabta oo mowqif mideysan ka qaatay heshiiska DP World ee dekadda Berbera

Next Post
Ururka Jaamacadda Carabta oo mowqif mideysan ka qaatay heshiiska DP World ee dekadda Berbera

Ururka Jaamacadda Carabta oo mowqif mideysan ka qaatay heshiiska DP World ee dekadda Berbera

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

February 10, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta booqday xarunta...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

February 10, 2026
0

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir...

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

February 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Ali has arrived in Addis Ababa to participate in the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In