Friday, June 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirro: Dhibbane qaba cudurka Kansarka oo dalbaday gar gaar Caafimaad

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirro: Dhibbane qaba cudurka Kansarka  oo dalbaday gar gaar Caafimaad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhibane Aweys  Xuseen Cilmi  oo ah muwaadin Soomaaliyeed  oo 17 sano jir ah ayaa ku xunuunsanaya magaalada  Muqdisho waxuuna la ildaranyahay  cudurka  cancerka waxeyna dhakhaatiirta ay sheegeen in aan  gudaha Dalka  waxba looga qaban karin uuna u baahanyahay  Caafimaad  dibadda ah  aweys ayaa  laga keenay xerada qaxootiga kaakuma ee dalka Kenya.

Dhibane aweys  ayaa la xanuunsanaya cudurkan  mudo laba sano ah  wuxuuna ka soo jeedaa qoys sabool ah  oo aan awoodin  in ay daweeyaan  wiilkooda  xaalafdiisa caafimaadna  wey ka sii dareysaa waxey ii sheegeen ehelada  wiilkan xanuunsanaya  in   uu ku aruuray sariirta  isla markaana habeen iyo maalin aan laga hooyaneynin  isagana uusan seexan xanuunka haya dartiis.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Hooyo Qadro Maxamed Faarax  oo dhashay wiilkan xanuunsanaya ayaa ka codsatay  dhamaan umadda soomaaliyeed  ganacsatada  bulshada qeybaheeda kala duwan  iyo dowlada federaalka  soomaaliya  in gacan laga siiyo  sidii wiilkeeda uu ugu heli lahaa caafimaad  dibadda ah  maadaama aysan  haysan wax dhaqaala ah  ayna yihiin qoys sabool ah.

DR  Xusen Abshir  Xasan  oo ah dhakhtarkii la tacaalayay daweynta  wiilkan yar ayaa  cadeeyay in wiilkan  uu qaba cudurka cancerka   isla markaana  Dalka gudahiisa aan waxba looga qaban karin  wuxuuna  u soo jeediyay bulshada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan sidii Caafimaad dibadda ah loogu heli lahaa  wiilkan.

Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa ku dadaalaysa sidii ay u soo bandhigi lahayd dadka qaba dhibaatooyinka sida Cudurada halista ah iyo baahiyada gaarka ah iyadoo ay xusid mudan tahay in qaarkood ay heleen Caawimaad deg deg ah oo ay fidiyeen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka danqaday.

By Wariye Muuse Cismaan Abtow

Previous Post

Dhageyso: Aqalka sare oo maanta ka doodaya Xeerka dhawridda Gobanimada iyo midnimada Soomaaliya

Next Post

Shirka Sameynta Qorshaha soo kabashada & u Adkaysiga Abaaraha Soomaaliya oo Maalintii Labaad ka socda Garowe+Sawirro

Next Post
Shirka Sameynta Qorshaha soo kabashada & u Adkaysiga Abaaraha Soomaaliya oo Maalintii Labaad ka socda Garowe+Sawirro

Shirka Sameynta Qorshaha soo kabashada & u Adkaysiga Abaaraha Soomaaliya oo Maalintii Labaad ka socda Garowe+Sawirro

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In