Thursday, August 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro+Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe.

caqiil by caqiil
May 8, 2018
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu soo kormeeray Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airpot ee magaalada Garoowe  kaas oo nashqadaytiisa iyo qurxintiisu marayso heer gabogabo ah lana filaayo in maalmaha in dhawaan lasoo gabagabeeyo.

Madaxweynaha Maamulka  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeerkiisa uu ku tagay  garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airpot ayaa waxaa ku wehelinaayey, Wasiiro, xildhibaano, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Maamulka   Puntland iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

August 21, 2025
Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

August 21, 2025

Dhinaca kale garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee magaalada Garoowe ayaa waxaa dhismihiisa gacanta ku haya shirkad laga leeyahay waddanka Turkiga, shirkadaas oo garoonka u dhistay qaab farshaxankiisu aad u heersareeyo, welibana si weyn looga baaraan degay qaabka dhismaha dhabaha diyaaraduhu ka haadaan.

Sidoo kale MadaxweynahaMaamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mudadii uu ku guda jiray kormeerkiisa ayaa waxaa uu kormeer ku sameeyey dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay garoonku, isla’marahaantaana waxaa uu socod dheer ku maray dhabaha diyaaradaha isagoo indha indhaynayey qaabka loo dhisay dhismaha wadada iyo gebi’ahaanba dhismayaasha Garoonka uu ka kooban yahay.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Maamulka Soomaaliyeed Puntland Dr. Cabdiweli Mohamed Cali Gaas ayaa waxaa uu kormeerkiisii Garoonka uu kusoo gabagabeeyey qaybta dejinta iyo rarka xamuulka diyaaradaha, halkaas oo lagu soo bandhigay agabka socodsiinta shaqada oo ahaa mid casriya oo loogu talagalay in si dhamaystiran loogu hawl galo.

 

Previous Post

Uhuru Kenyatta oo tacsi u diray Qoysaskii ay ka baxeen Askar ku dhimatay qarax ka dhacay Dhoobleey

Next Post

R/wasaare kuxigeenka Dalka oo ka Warbixiyay dadaalka Dowlada ugu jirto Gurmadka Fatahaada

Next Post
R/wasaare ku xigeenka dalka oo Xildhibaanada ku Bogaadiyay hanaanka dimuqraadiga ay u doorteen Guddoomiyaha cusub

R/wasaare kuxigeenka Dalka oo ka Warbixiyay dadaalka Dowlada ugu jirto Gurmadka Fatahaada

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

August 21, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, oo...

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

August 21, 2025
0

Shirweynaha Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada 2025 ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Jazeera, maanta...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay casho-sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha Galmudug

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay casho-sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha Galmudug

August 21, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ka qeybgalay xaflad casho-sharaf ah oo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si rasmi ah u daahfuray Shir heer Qaran ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In