Thursday, September 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha G/Banaadir oo soo xiray barnaamijka Jadwalka iyo Qorshaha Dhismaha goleyaasha deegaanka

admin by admin
May 13, 2018
in Wararka
0
Guddoomiyaha G/Banaadir oo soo xiray barnaamijka Jadwalka iyo Qorshaha Dhismaha goleyaasha deegaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

September 4, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

September 4, 2025

 Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta soo xiray barnaamijka Jadwalka iyo Qorshaha Dhismaha goleyaasha deegaanka Gobolka Benaadir iyo Kulan Howlleedka Maamullada Degmooyinka, Hey’adaha Amniga iyo Garsoorka oo looga doodayay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo Maamullada Degmooyinka, Hey’adaha Amniga iyo Garsoorka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yarisow ayaa sheegay in ay ka go’an tahay maamulkiisa in talada dib loogu celiyo dadka iyo in shacabka Caasimadda la gaarsiiyo nidaam ay ku soo xushaan hoggaankooda mustaqbalka dhow, iyadoo loo diyaar garoobayo doorashooyinka heerka qaran ee guud ahaan dalka ka dhici doona sanadka 2020.

Duqa Caasimadda ayaa tilmaamay iyadoo laga duulayo masuuliyadda ka saaran in wax walba ay ku qabsoomaan waqtigii loo qorsheeyey, markii ugu horeysay la sameeyey Waaxda Siyaasadda iyo Dimuqoraadiyeynta Gobol, tani oo ujeedka dhismaheedu yahay in la gaarsiiyo bulshada taladu inay iyaga ka timaado.

Kulamadan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, madaxda ciidamadda iyo Garsoorka dalka, waxana ka soo baxay qodobada hoos ku xusay;

1. Waxaa la isla fahmay dowrka iyo kaalinta Maamullada Degmooyinka, Hey’adaha Amniga iyo Garsoorka ee heer degmo.
2. Waxaa la isla gartay muhiimada ay leedahay in shacabka talada dib loogu celiyo iyo in magaalada Muqdisho laga hirgeliyo dimuqoraadiyadeyn hana-qaada looguna diyaar garoobo doorashooyinka 2020 dalka oo dhan ka dhici doona, si muwaadinku u helo fursad ah inuu wax doorto lana doorto.
3. Waxa la isla gartay jadwalka iyo habraaca loo marayo dhismaha Goleyaasha deegaanka ee Gobolka Benaadir
4. Waxaa la isla gartay in laga wada shaqeeyo hagaajinta xiriirka wada shaqeyn ee Maamulada degmooyinka, hay’adaha amniga iyo Garsoorka heer degmo.
5. Waxa uu kulanka soo dhaweeyay dadaallada uu wado hoggaanka Maamulka Gobolka Benaadir ee loogu dhaweynayo bulshada maamulka iyo daadajinta adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada.
6. Kulan howlleedka waxa laga soo jeediyay talana lagu bixiyay in la dardargeliyo dhisidda goleyaasha deegaanka degmooyinka maamulka gobolka Benaadir
7. Kulan howlleedka waxa laga soo jeediyay talana lagu bixiyay in la dhiso kaabbayaasha maamul ee degmooyinka kahor iyo kadib dhismaha goleyaasha deegaanka, lana joogteeyo kulamada ceynkaan oo kale ah.
8. Waxa ay ka qeyb-galayaasha kulanka isla garteen duruustii laga bartay wada shaqeyn la’aanta iyo in hadda wixii ka danbeeya loo gudbo isku xirnaan iyo isla falgal, lagana fogaado wax walba oo caqabad ku ah u adeegida bulshada degmada.

Previous Post

Xaaladihii ugu dambeeyey ee fatahaadda webiga ee Baladweyn

Next Post

Shirka wadatashiga dib u eegista sharciga socdaalka Soomaaliya maanta furmay Muqdisho, kaas oo talo bixin looga dhagaysanayo shacabka deegaanada Hirshabeelle

Next Post
Shirka wadatashiga dib u eegista sharciga socdaalka Soomaaliya maanta furmay Muqdisho, kaas oo talo bixin looga dhagaysanayo shacabka deegaanada Hirshabeelle

Shirka wadatashiga dib u eegista sharciga socdaalka Soomaaliya maanta furmay Muqdisho, kaas oo talo bixin looga dhagaysanayo shacabka deegaanada Hirshabeelle

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

September 4, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, oo ka qeybgalaya Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

September 4, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta qaabilay Taliyaha cusub ee Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal...

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

September 3, 2025
0

Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib u Dhiska ayaa xarunteeda ku martigelisay kulan muhiim ah oo wada-tashi ah, kaas oo...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan

September 3, 2025
0

Howlgal si gaar ah loo qorsheeyay, oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In