Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii labaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Dhahar VS Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Dhahar VS Hodan ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag.
Dhahar
Tartameyaasha Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, waxaana ay iska qaldeen shan su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhahar ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.
Hodan
Tartamayaasha Degmada Hodan ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Dhahar, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Hodan waxay noqotay lix (6) dhibcood.
Tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka saddexaad ee tartanka, waxaa ku tartamaya, tartamaayasha degmooyinka Jilib oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe iyo,Garbahaareey oo ka tirsan Gobolka Gedo..