Saturday, August 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Shirka Sanadlaha Ee Xirirka Qarada Afrika Oo Ka Dhacay Dalka Ruushka Iyo Xirirka Kubada Cagta Soomaaliya Oo Qayb Weyn Ka Qaatay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 11, 2018
in Ciyaaraha, Wararka
0
Shirka Sanadlaha Ee Xirirka Qarada Afrika Oo Ka Dhacay Dalka Ruushka Iyo Xirirka Kubada Cagta Soomaaliya Oo Qayb Weyn Ka Qaatay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

August 2, 2025
Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025
 
 
Madaxwaynaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cabdi Qani Siciid Carab iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la kulmay
Madaxwaynaha kubadda cagta adduunka ee FIFA Gianni Infantino ayadoo uu ku amaanay Infantino Madaxweyne Cabdi Qani iyo Ku xigeenadiisa shaqada adag ay ka haayan Soomaaliya iyo Horumarka ay Soomaaliya dhalinyaradeeda ay ka gaaren kubada cagta ayadoo kuwii ugu danbeyay wacdaro ay ka soo dhigeen koobkii bariga bartamaha qarada afrika ee 17-Jirada waxaana Madaxweyne Infantino uu u balan qaaday Xirirka kubada Cagta Soomaaliya in Mashaaqiic horumariineed Fifa ay ka Fulin doonto Gudaha Soomaaliya dhowaan.
Fifa ayaa Soomaaliya ka fulisay dhowr Mashaariic oo Soomaaliya Muhiim u ahaa ayadoo uu ugu horeyay barnamijkii Grassroot-ka ahaa oo fifa soomaaliya ka fulisay sanadkii 2013 waana markii ugu horeyay oo Soomaaliya ay ka fuliso mashaaqiic nuucas oo kale mudo sodon sano kadib ah.
Madaxweyne Cabdi Saciid Carab iyo Wafdigiisa ayaa sidoo kale waxay ka qayb galeen hirkii sanadlaha xiriirka kubadda cagta qaaradda Afrika ayaa ka qabsoomay Crown Plaza magaalada Moscow ee dalka Ruushka .Congres-ka CA F waxaa door wayn ka qaatay dalkeena oo ay ku sugnaayeen C/qani Saciid Carab oo ah guddoomiye xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ahna xubin ka tirsan FIFA, Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya Mudane Cali Shiine, iyo Cali siciid oo ah Ku xigeenka xoghayaha xiriirka ahna macalin FIFA ee dhanka garsoorka.
Shirka ayaa waxaa guddoominayay Ahmad Ahmad oo ah guddoomiyaha CAF,waxaana goobta ku sugnaa madaxwaynaha FIFA Gianni Infantino oo qudbad kulahaa Sida la sheegay kullanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo garabsiin lahaa Morocco oo marti gallinta koobka adduunka kula tartamaysa Waqooyiga Ameerika oo ka kooban U.S.A, Canada iyo Mexico oo hal dhinac ah.Sidoo kale Congress-ka ayaa lagu soo bandhigay wax yaabihii qabsoomay iyo qorshaha soo aadan ee la doonayo in la dar dar galiyo guud ahaan kubadda cagta Afrika,
Xidigii hore ee reer Sengal iyo kooxda Liverpool El Hadji Diouf ayaa kullan sanadeedka qayb ka ahaa isagoo u doodayay in Morocco lagu marti galiyo koobka adduunka.
 
Previous Post

Taliyaha Hogaanka Howlgelinta CXD oo booqday degaanadii Al-shabaab laga xoreeyay dhawaan “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo u soo gudbay wareegga ugu dambeeya ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo u soo gudbay wareegga ugu dambeeya ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo u soo gudbay wareegga ugu dambeeya ee tartanka "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

August 2, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’addu ku qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya...

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

August 2, 2025
0

Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, ayaa lagu eedeeyay dil kas ah...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha waddo cusub

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha waddo cusub

August 2, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In