Iyadoo maanta loo dabaal degay maalintii kowaad ee munaasabadda ciidul Adhxa ayaa shacabka ku dhaqan magaalada muqdisho ku gutay damaashaadka farxaddooda ciidda qaar kavmid ah goobaha loo dalxiistago oo laga hirgeliyay Muqdisho.
Boqollaal dadweyne ah ayaa lagu arkayay fagaarayaasha ku yaal deegaanka Daarusalaam ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu marxabbeynayay kulla caam wa antum bikhayre Ciidwanaagsna iyo ereyo kale iyadoo bulshada qaar la mid ah ayhambalyada ciidda isugu dirayeen farrimaha telefoonnada .
Waxa halkaasi laga hirgeliyay goobo lagu nasto,meelo caruurtu ay ku cayaaraan,waxaana si fudud indhahaagu ku soo jiidanayan isdhexgalka bulsho ee halkaasi kajira,taasi oo muujinaysa in shacabka Muqdisho ay ugu taamayaan nabadda iyo horumarka.
Maxamed Maxamuud Cali oo ah maamulaha adeegga guud ee deegaankaasi ayaa sheegay in hadafkoodi uu yahay in bulshada dhanka horumarka loo jeheeyo.
“Daarusaalaam waa meel loogu talagalay meel caruurtu ay ku ciyaarto,si caruurta maskaxdooda ay u korto,islamarkaana ay isla qabsadaan caruurta iyo waalidiintooda,waxaa yaalaa qalab farabadan oo loogu talagalay in caruurtaasi maskaxdoodi lagu koriyo,marka waxaan rabnaa in caruurta si farxad leh ay wax ku bartaan,maadaama maskaxdooda ay dhismayso,bulshada Soomaaliyeedna waan uga mahadcelinaynaa sida ay uga qeyb qaadanayan damaashaadka beerta Daaruslaam”. Ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cali.
Qaar kamid ah dadweynihi u damashaad tagay beertaasi ayaa dareenkooda ku muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in ay helaan meel ay si farxad leh ugu damaashadaan,dadka ayaa laga dheehan karay shucuurtooda in caasimaddu ay ku talaabsanayso horumar dhinacyo kaladuwan leh.
Deegaanka Daarusalaam oo ka kooban ilaa 6 xaafadood ayaa waxaa laga hirgeliayay adeegyada kaladuwan ee bulshada,iyadoo taasi ay qeyb ka tahay howlaha maalgashi ee Muqdisho ka socda.
Marka laga so tago daarusalaam waxaa jira goobo kale oo loo dalxiistago sida Liido,Jasiira,iyo meelo kale oo kamid ah caasimadda,sanadihii ugu dambeeyeyna waxaa kajira Muqdisho horumaro maalgashi,taasi oo ku timid isbedelka dhanka amniga ah ee kajira Muqdisho.