Dalalka Ruushka iyo Spain ayaa ciyaaray kulankii 3-aad ee wareega 16-ka kulan xiiso badnaa oo ka dhacay magalada Moscow iyo Luzhniki Stadium ayaa waxaa dardar ku soo gashay Spain.
Ruushka waxaa uu ciyaarta ku soo galay qaab ciyareed ka sameysanaa difaac halka Spain ay ku wanaagsaneyd dhanka kubad haysashada balse kuma guuleysan in Spain ay sameyso in ka badan 2 bartilmameed oo midkood uu ahaa gool uu iska dhaliyay difaaca dalka ruushka.
Rusia oo sidoo kale sameysay laba fursad qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa u suurta gashay rigooro loo dhigay in uu gool u badalay Dzyuba oo weerarka ugu ciyaarayay ruushka waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 1-1 balse Spain ayaa looga wanaagsanaa dhanka tageerayaasha maadama uu la ciyaarayo dalka koobka marti gelinaya ee Rusia kaasi oo ay xaadir ku ahayeen tageerayaashiisa garoonka iyo hareerahiisa ayadoo sidoo kale ay buux dhaafiyeen shaashadaha ku xiran wadooyinka iyo waliba wadooyinka garoonka soo gala waxaana garoonka banankiisa taagna in ka badan kuwa garoonka sida tooska ah ugu daawanayay ciyaarta.
Qaybtii danbe oo la isku soo laabtay ayeey ahayd sidii ay ciyaarta ku bilaabatay Spain oo kubada haysatay iyi Rusia oo difaac ku jirtay waxaana sidaasi lagu kala tagay 1-1 shagaashan daqiiqo oo la is hortagnaa ayadoo Spain ay sameysay baasaskii ugu badnaa oo dal uu sameeyo tan iyo markii la bilaabay koobka aduunka ee sanadkaan ka socda dalka Ruushka ayadoo sidoo kale kulankaan uu noqon doono kii ugu horeyay ee lagu daro 30-daqiiqo oo kala bax ah horey laba kulan oo la soo ciyaaray waxaa lagu kala baxay waqtigii caadiga ahaa.
Sodonkii daqiiqo ee lagu daray waxaa lagu kala nastay isla natiijadii ciyaarta ee ahayd 1-1 Shan iyo tobankii danbe oo la isku soo laabtay sidoo kale ayaa la isku mari waaye waxaana ugu danbeyntii lagu kala baxay rigoorayaal sida sharciga ah 3-4 ayaa lagu kala baxay ugu danbeyntii Rusia ayaana u gudubtay wareega 8-da
Sergei Ignashevich oo ahaa difaaca ruushka ee goolka iska dhaliyay ayaa rikoor cusub ku sameeyay koobka aduunka ee haatan ka socda dalkiisa hooyo ee ruushka waxaana uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee koobka aduunka gool iska dhaliya waxaana da’diisu ay tahay 38 sano 352 maalin ayadoo sidoo kale dalkiisa ruushka uu noqday dalkii ugu horeyay eel aba gool iska dhaliya koobka aduunka tan iyo sanadkii 1966 xiligaasi oo Bulgaria sidaan oo kale ay ku dhacday
Spain wali kama guuleysan koobka aduunka dal marti gelinaya koobka Talyaaniga oo laba jeer ay la ciyareen 1938 waa ay ku guul dareysteen halka Brazil oo ay la ciyareen 1950 ay sidoo kale ay ku guuldareysteen in ay ka adkaadan iyo Korea oo ay garaaci waayen sanadkii 2002 xiligaasi oo Korea iyo Jaban ay si wada jir ah ay u marti geliyeen koobka aduunka haatan waa markii afaraad oo Spain ay ku guuldareysato in ay ka adkaato dal marti gelinaya koobka aduunka.