Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isimada Puntland oo Qado-sharaf u sameeyay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Isimada Puntland oo Qado-sharaf u sameeyay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isimada Puntland ee ay ugu horreeyaan Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suladaan Siciid Maxamed Garaase ayaa maanta oo taariikhdu tahay 30 July 2018 waxay marti qaad u sameeyeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre iyo weftigii balaarnaa ee la socday.

 

Related posts

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

March 24, 2026

Isimada Puntland Marti qaadka ay u sameeyeen mas’uuliyiinta ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, Marwada koowaad ee Puntland Marwo Hodan Siciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Kuxigeenadiisa, goloyaasha Dowlad Goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadii qado sharafta ahayd ayaa uga mahad celiyay martiqaadka ay sameeyeen Isimada Puntland ee Gobolka Nugaal.

Sidoo kale Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre oo isna martiqaadka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ugu horeyn soo dhaweentii diiraneed ee shalay ay u sameeyeen shacabka Puntland, isla’markaana uu ka mahad celinaayo isaga oo ku hadlaya afka dhammaan waftiga lasocday martiqaadkan ay u sameeyeen Isimada Puntland ee ay ugu horreeyaan Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suladaan Siciid Maxamed Garaase.

Madaxweynaha Puntland ayaa Ra’iisal Wasaare Khayre si diiran ugu soo dhoweeyey Puntlnad, isla’ marahaantaana tibaaxay in soo dhoweynta iyo marti soorku yahay mid ka mida dhaqamada wanaagsan ee ay leedahay Puntlnad.

Isimada Puntland marti qaadka ay u sameeyeen Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa imaanaysa xili maalintii labaad uu ku sugan yahay Ra’iisul-Wasaare Khayre caasimada Dowlad Goboleedka Puntland ee Garoowe.

—DHAMMAAD—

Previous Post

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ku Baaqay in Colaadda Tukaraq Lagu Bedelo Xasilooni, Horumar iyo Midnimo “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ku Baaqay in Colaadda Tukaraq Lagu Bedelo Xasilooni, Horumar iyo Midnimo “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ku Baaqay in Colaadda Tukaraq Lagu Bedelo Xasilooni, Horumar iyo Midnimo "SAWIRRO"

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

March 24, 2026
0

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal Maxamed Xassan ayaa sheegay in wasaaraddu gacanta ku hayso siyaasad diyaarinta...

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In