Friday, April 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Olole nadaafadeed oo ka socda Degmooyinka Gobolka Banaadir  +Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Olole nadaafadeed oo ka socda Degmooyinka Gobolka Banaadir  +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Shacabka Caasimadda ayaa olole nadaafadeed ka sameeyey Degmooyinka Caasimadda, iyadoo ololahan uu qeyb ka yahay Barnaamijka Is-xilqaan ee horey ugu dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ololahan ayaa ah mid joogta ah oo isbuuc walba ay ka qayb qaadanayaan dhammaan Maamulka heer Gobol iyo heer Degmada, ganacsatada iyo shacabka. Waxana lagu nadiifiyey jidad muhiim ah oo ku yaalla halbowlaha magaalada.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

April 24, 2026

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa boggaadiyey barnaamijka Is-Xilqaam ee dalka lagu dhisayo.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in nadaafaddu ay ka bilaabato guriga iyo deegaanka uu qof walba ku nool yahay, maamulkiisuna uu mudnaanta siinayo ilaalinta bilicda iyo faya dhowrka Caasimadda. Isagoo ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in ay u istaagaan horumarinta dalkooda.

“Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, waxaan shacabka Caasimadda ugu baaqayaa in wadajir looga qeyb qaato madaafadda, si Caasimaddu dib ugu soo ceshato bilicdii ay caanka ku ahayd barisamaadkii”.Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yariisoow.

Previous Post

Eng. Yarisow “Adeegga Aamin Ambalaas muhiimad weyn ayuu ugu fadhiyaa Bulshada Caasimadda waana garab taagannahay”

Next Post

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare oo lagu soo dhaweeyay Cadaado

Next Post
Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare oo lagu soo dhaweeyay Cadaado

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare oo lagu soo dhaweeyay Cadaado

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

April 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqasho ku tagay degmada Xudur ee Gobolka Bakool, Wafdiga ayaa waxaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

April 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Mashruuca xoojinta adkeysiga...

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

April 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In