Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Shirki nabadeynta ee ka socday Cadale oo meel wanaagsan maraya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Shirki nabadeynta ee ka socday Cadale oo meel wanaagsan maraya

?

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyrre Makaraan, xildhibaan Shiiraar iyo guddi ka kooban odayaal dhaqameed oo maaalmahan degmada Cadale u joogay howlo ay ku nabadeeynayaan beelo walaalo ah oo hore ugu dagaallamay deegaanka Burdheere oo hoosyimaada degmada Cadale ayaa maanta ku guuleystay iney nabadda qaadato mid ka mid ah labadaas beelood oo hore u diiday iney soo gasho gogosha wadahadalka.

Dadaallo dheeraad ah oo wasiir Caadle iyo gudoomiye Makaraan ay ku bixiyeen taabba gelinta wadahadalladaasi  ayaa ugu dambeyntii miro dhal noqday kaddib markii ay maanta soo galliintay beeshii qaaddacday wadahadalka iyadoo akhyaarta samaddoonnada ah ee hoggaamiya beeshaasi ay qireen in ay si shuruud la’aan ah u qaataan wadahadalka, waxeyna beeshu soo xirtay naf Geel ah oo xaalmarin ah sidoo kalena barbaarta gaashaaman ayaa halkaasi ku soo bandhigay ciyaarta shirbka.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Myrre Makaraan oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay go’aanka beeshaasi ay ku qaadatay wadahadalka iyo galliinka ay u soo xireen madaxda iyo odayaasha dhaqanka.

“Walaalayaal aadbaan ugu faraxsanahay go’aankiina taariikhiga ah waana fileynay inaad nabadda qaadandoontaan, waa inaad fahamtaan qiimaha nabadda oo aad ka fogaataan dilka dadka abriyada ah een waxba galabsan taas bedelkeedana ad usoo jeesataan horumarinta nolosha deegaanadiina”  ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyrre Makaraan.

Wasiirka arrimaha gudaha arrimaqha gudaha ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo shirkaasi soo gabagabeeyay ayaa aad ugu mahadcelshay go’aanka beesha, wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka ahmiyadda ay bulshadu u leedahay, isagoo amaanay labada dhinacba sida ay u qaateen nabadda, wuxuuna ku wargeliyay ergada labada dhinac in berri 9-ka aroornimo uu dib u furmayo wajiga labaad ee shirkii maalmo ka hor ka furmay deegaanka Burdheere.

?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?

By: Mowliid Maxamed Sabriye Cadale

 

Previous Post

Wasiirka Cayaaraha oo daah furtay tartanka kubadda cagta ee Degmooyinka “SAWIRRO”

Next Post

Mareykanka oo caawimaadka dhaqaale la joojiyay Falastiin

Next Post
Mareykanka oo caawimaadka dhaqaale la joojiyay Falastiin

Mareykanka oo caawimaadka dhaqaale la joojiyay Falastiin

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

January 7, 2026
0

The Minister of Defence, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today officially concluded a military training programme for units of the Gorgor...

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo ku guulaysatay siidaynta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo 4 maalin ah ku xayirnaa xeebaha Dalka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee...

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In