Sunday, May 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Shirki nabadeynta ee ka socday Cadale oo meel wanaagsan maraya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Shirki nabadeynta ee ka socday Cadale oo meel wanaagsan maraya

?

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyrre Makaraan, xildhibaan Shiiraar iyo guddi ka kooban odayaal dhaqameed oo maaalmahan degmada Cadale u joogay howlo ay ku nabadeeynayaan beelo walaalo ah oo hore ugu dagaallamay deegaanka Burdheere oo hoosyimaada degmada Cadale ayaa maanta ku guuleystay iney nabadda qaadato mid ka mid ah labadaas beelood oo hore u diiday iney soo gasho gogosha wadahadalka.

Dadaallo dheeraad ah oo wasiir Caadle iyo gudoomiye Makaraan ay ku bixiyeen taabba gelinta wadahadalladaasi  ayaa ugu dambeyntii miro dhal noqday kaddib markii ay maanta soo galliintay beeshii qaaddacday wadahadalka iyadoo akhyaarta samaddoonnada ah ee hoggaamiya beeshaasi ay qireen in ay si shuruud la’aan ah u qaataan wadahadalka, waxeyna beeshu soo xirtay naf Geel ah oo xaalmarin ah sidoo kalena barbaarta gaashaaman ayaa halkaasi ku soo bandhigay ciyaarta shirbka.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA JABUUTI

May 10, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Myrre Makaraan oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay go’aanka beeshaasi ay ku qaadatay wadahadalka iyo galliinka ay u soo xireen madaxda iyo odayaasha dhaqanka.

“Walaalayaal aadbaan ugu faraxsanahay go’aankiina taariikhiga ah waana fileynay inaad nabadda qaadandoontaan, waa inaad fahamtaan qiimaha nabadda oo aad ka fogaataan dilka dadka abriyada ah een waxba galabsan taas bedelkeedana ad usoo jeesataan horumarinta nolosha deegaanadiina”  ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyrre Makaraan.

Wasiirka arrimaha gudaha arrimaqha gudaha ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo shirkaasi soo gabagabeeyay ayaa aad ugu mahadcelshay go’aanka beesha, wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka ahmiyadda ay bulshadu u leedahay, isagoo amaanay labada dhinacba sida ay u qaateen nabadda, wuxuuna ku wargeliyay ergada labada dhinac in berri 9-ka aroornimo uu dib u furmayo wajiga labaad ee shirkii maalmo ka hor ka furmay deegaanka Burdheere.

?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?

By: Mowliid Maxamed Sabriye Cadale

 

Previous Post

Wasiirka Cayaaraha oo daah furtay tartanka kubadda cagta ee Degmooyinka “SAWIRRO”

Next Post

Mareykanka oo caawimaadka dhaqaale la joojiyay Falastiin

Next Post
Mareykanka oo caawimaadka dhaqaale la joojiyay Falastiin

Mareykanka oo caawimaadka dhaqaale la joojiyay Falastiin

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA JABUUTI

May 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u...

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso doorashada KGS ee...

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In