Sida laga soo xigtay warbaahinta dalka Iran Wasiirka Difaaca dalkaas Amir Hatami ayaa maanta oo Axad ah booqayna wadanka Syrian, iyadoo garoonka diyaaradaha caasimadda Dimishiq ay ku soo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan xukuumadda Suuriya.
Wasiir Hatami ayaa inta uu Suuriya joogo waxaa uu la kulmi doonaa madaxweynaha dalkaas Bashar al-Assad iyo dhigiisa Suuriya Ali Abdullah Ayyoub.
Ilaa iyo hadda warar dheeraad ah lagama bixin muddada uu joogo doono Suuriya, wasiirka difaaca Iran iyo waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan.
Dowladda Iran iyo ururka Xisbulah ayaa si weyn u taageera maamulka madaxweyne Assad, kuwaas oo dagaal yahnadooda bari taaraan ciidanka xukuumadda Suuriya tan iyo 2011-kii.
Dagaalka sokeeyee mudadaas ka socda dalka Suuriya ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay ku geeriyoodeen boqolaal kun oo shacabka ah iyadoo malaayiin kale ay ku barabaxeen colaada.