Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho “Tartanka Cayaaraha Degmooyinka G/Banaadir waxay gacan ka geysanayaan Nabadda iyo is-dhexgalka bulshada’’+ Sawiro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho “Tartanka Cayaaraha Degmooyinka G/Banaadir waxay gacan ka geysanayaan Nabadda iyo is-dhexgalka bulshada’’+ Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in qabsoomidda cayaaraha tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir ee ka socda Stadium Koonis ay muujinayaan horumarka laga gaarey nabadda iyo is-dhexgalka bulshada Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay cayaar xiiso badan oo u dhaxeysay degmooyinka Kaaraan iyo Dayniile ayaa boggaadiyey sida habsamida leh ee ku socdo tartanku.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

“Tartan Cayaareedkan xiisaha badan ee Degmooyinka Gobolka Banaadir wuxuu ka tarjumayaa qiimaha nabadda iyo is –dhexgalka bulshada. Waana astaan nabadeed oo bulshadu isku arkayso, maamulka Gobolka Banaadir na wuxuu dhiirigelinayaa garabna taagan yahay howshan quruxda badan ee farxadda gelinaysa shacabkeenna qiimaha badan”.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa kula dardaarmey cayaartoyda ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee ka qeybgaleya tartanka inay dadaalkooda sii wadaan, isla markaana ay iyaguna ku howllan yihiin sidii dib loogu howlgelin lahaa Stadium Muqdisho oo dhowaan ay Ciidamadda Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee (AMISOM) dib ugu soo celiyeen gacanta Dawladda Soomaaliya.

Daawashada Cayaarta xiisaha badan ee dhex martay labada degmo ee Kaaraan iyo Dayniile oo ku dhammaatay 1-iyo-1 ayaa waxaa ka soo qeyb-galey masuuliyiin ka tirsan M/Mulka Gobolka Banaadir, Xiriirka kubada cagta Soomaaliya, dadweyne isaga kala yimid degmooyinka iyo mas’uuliyiin kale.

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.”Sawirro”

Next Post

Safiir Jamaal Maxamed Barrow oo kulan la qaatay Ganacsatada K/Afrika

Next Post
Safiir Jamaal Maxamed Barrow oo kulan la qaatay Ganacsatada K/Afrika

Safiir Jamaal Maxamed Barrow oo kulan la qaatay Ganacsatada K/Afrika

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In