Thursday, October 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciraaq: Qunsuliyadda Iiraan ee magaalada Basra oo la gubey

caqiil by caqiil
September 8, 2018
in Wararka
0
Ciraaq: Qunsuliyadda Iiraan ee magaalada Basra oo la gubey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dibad baxyaal Ciraaqiyiin ah ayaa dab qabadsiiyay Qunsuliyadda Iran ee ku taala magaalada Basra ee koofurta wadankaas, xilli ay xoogeysteen banaan baxyada looga soo hor jeedo musuq maasuqa iyo la’aanta adeegyada aas aasiga ah ee bulshada.

Tiro aad u badan oo banaan baxyaasha ah ayaa isugu soo aruurey waddooyinka magaalada ay ku badan yihiin Shiicada Ciraaq, kuwaas oo ku qeylinayay ereyo ka dhan ah faragelinta dowladda Iran ee siyaasadda wadanka Ciraaq.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025

Mudadii banaan baxyada hal qof ayaa dhintay 11 kalena waa la dhaawacay markii ciidanka amniga iyo dibad baxyaasha fara isula tageen.

Jimcihii ayay u aheyd maalintii shanaad oo magaalada labaad ee ugu weyn wadanka Ciraaq  ee Basra ay ka dhacayeen bannaan baxyo rabshado wata, ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay shantaas beri.

Mas’uuliyiinta magaalada ayaa ku dhawaaqay bandow xilliga habeenkii ah magaalada Basra.

Iran, ayaa si weyn saameyn ugu leh guud ahaan gobolka Bariga dhexe gaar ahaan wadanka Ciraaq oo Shiicada ay yihiin kuwa ugu badan wadanka, kuwaas oo awooda wadanka heystay tan iyo Sadam Xuseen.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Bahram Qassemi,  ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday Qunsuliyadooda Basra.

Warbaahinta wadanka Iiraan ayaa soo warisay in dhammaan shaqaalaha laga saaray xarunta ka hor inta aan la soo weerarin.

Khamiistii, banaan baxyaasha waxaa ay sidoo kale gubeen xarumaha dowladda hoose ee magaalada Basra, oo ay ku jiraan xafiisyada siyaasiyiinta iyo dekada ugu weyn wadanka Ciraaq ee magaalada Basra.

Ra’isul wasaaraha dalka Ciraaq Haydar Al Cabaadi ayaa jimcihii sheegay in si deg deg ah loo sii deyn doono dhaqaalaha lagu kabayo adeegyada bulshada magaalada Basra.

Hoggaamiyaha Shiicada Ciraaq ugu sareeya, Ayatollah Ali Sistani, ayaa ku eedeeyay rabshadahan in ay ka dambeeyaan dad uu ku tilmaamay in ay dowladda ku cusubyihiin si ka duwan maamulkii hore.

Bannaan baxyada magaalada Basra ayaa bilowday markii la waayay shaqooyin, korontada iyo biyo nadiif ah isla markaana boqolaal ruux xarumaha caafimaadka la dhigay markii  biyo wasakheysan cabbeen.

Dadka deegaanka ayaa dowladda ku eedeeyay musuq maasuq iyo wax qabad la’aan burburka dhammaan kaabiyaasha wax soo saarka shidaalka wadanka Ciraaq oo qani ku ah saliida.

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Next Post

Eng. Yarisow “Dalxiisku waa farriin ku wajahan argagixisada doonaysa in ay niyad jabiyeen shacabkeenna” +Sawirro

Next Post
Eng. Yarisow “Dalxiisku waa farriin ku wajahan argagixisada doonaysa in ay niyad jabiyeen shacabkeenna” +Sawirro

Eng. Yarisow “Dalxiisku waa farriin ku wajahan argagixisada doonaysa in ay niyad jabiyeen shacabkeenna" +Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

October 8, 2025
0

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah, kaas oo Soomaaliya ay kula soo wareegayso maareynta...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

October 8, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In