Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar kaga qeyb galay Shirkii Afaraad ee Biyaha Dowladaha Islaamka.
Shirkan oo furmay shalay ayaa socon doono muddo seddex cisho ah 14-16 Waxaana goobjoog ka ah dhammaan Dowladdaha Islaamka Wasiiradooda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.
Gabagabada kulankan ayaaย laga soo Saari doonaa Warbixinno ku aadan Horumarinta Biyaha iyo sidii ay wasaaradahan Tamarta dalalkan isgaga gaashan lahaayeen Tamarta iyo biyaha.
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa daaal ugu jirta sidii ay shacabka Soomaaiyeed uga faaโideysan lahaayeen Kheyraadka Biyaha dalka.