Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida oo kulan degdeg ah ka yeeshay amniga dalka

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida oo kulan degdeg ah ka yeeshay amniga dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan degdeg ah isugu yeeray Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, wuxuuna faray in ay si dhakhso ah ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga dalka iyo qaraxyadii argagixisanimo ee dhacay maalintii Jimcaha.

Taliyeyaasha Ciidamada ayaa dhankooda kulan gaar ah oo ay ku yeesheen xarunta Taliska Ciidanka Booliiska waxa ay uga hadleen isla xisaabtanka gaabka amniga, adkeynta baraha lagu baaro gaadiidka iyo muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta bulshada iyo laamaha ammaanka.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad โ€œSAWIRROโ€

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad โ€œSAWIRROโ€

March 9, 2026
๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye-Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo ka warbixiyey shirka degdegga ah ee Talisyada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in ay ka soo baxeen qodobbo adag oo ka dhan ah gudasha laโ€™aanta masuuliyaadda amni ee askarta iyo saraakiisha.

โ€œMaanta waxa uu Madaxweynuhu isugu yeeray taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, ma qaadan doonno mar dambe mana yeeleyno in baabuur dad hubeysan ay saaran yihiin bartii-koontarool oo uu soo dhaafo ayaa qaadaneysa masโ€™uuliyaddeeda, dhibkii dhaca cid unbaa masโ€™uuliyaddeeda iska leh waxaan ka bilaabeynaa ciidamada booliska ee taagan baraha-koontarool, baaristiina waa socotaaโ€

Taliyeyaasha ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku saabsan qaraxyadii argagixiso ee dhacay Jimcadii, isla markaasna sharciga la horkeeni doono cid kasta oo ka gaabisay in ay ka hortagaan falkaas arxan darrada ah ee lagu gumaaday shacabka.

Hoggaannada Ciidanka Qalabka Sida ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay kaalintooda ka qaataan ka hortagga falalka gurrucan ee Cadawgu ay maleegayaan, waajibna ay tahay in laamaha ammaanka ay la wadaagaan xog kasta oo badbaadin karta naf qof aan waxba galabsan.

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeeray xarunta Akadamiyadda cilmiga fanka iyo suugaanta

Next Post

Kenya Airways oo duulimaad maalinle ah ka bilaabeysa Muqdisho

Next Post
Kenya Airways oo duulimaad maalinle ah ka bilaabeysa Muqdisho

Kenya Airways oo duulimaad maalinle ah ka bilaabeysa Muqdisho

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad โ€œSAWIRROโ€

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad โ€œSAWIRROโ€

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In