Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kenya Airways oo duulimaad maalinle ah ka bilaabeysa Muqdisho

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Kenya Airways oo duulimaad maalinle ah ka bilaabeysa Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaaradda Kenyan Airways ayaa duulimaadkeeda ku fidin doonta Geeska Afrika,waxayna howlgal duulimaad ah ka bilaabi doontaa Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho 15-ka bishan November 2018.

Duulimaadyadu ayaa waxay u shaqeyn doonaan si maalinle ah,waxayna Kenya arrintaan kaga gol leedahay iney kor ugu qaado xiriirka hawada ee Afrika ee isku xira magaalooyinka iyo fududeynta dhaqdhaqaaqa dadka, si markaa loo xoojiyo xiriirka bulsho iyo dhaqaale ee ka dhaxeeya dalalka Geeska Afrika.

Related posts

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026

Duulimaadyadu ay ayaa ka baxaya Maddaarka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA), Nairobi saacadda 07:40, sidoo kalena diyaarada waxay dib kaga soo ambabaxeysaa Garoonka Caalamiga Aden Adde, Muqdisho 10:45 si ay ugu soo laabato magaalada Nairobi 13:00.

Madaxa shirkadda Kenya Airways, Sebastian Mikosz ayaa sheegay in duulimaadka maalinlaha ah la doonayo in lagu daboolo baahida sii kordheysa ee socdaalka Soomaaliya, saraakiisha dawladda iyo hay’adaha aan dawliga ahayn  ee (NGO-yada) iyo tirada sii kordhaysa ee ganacsatada Kenya iyo gobalka oo doonaya iney ka faa’ideystaan fursadaha bannaan ee dalka.

Mr. Sebastian Mikosz,ayaa sheegay iney doonayaan muujinta sida ay shirkadooda duulimaad uga go’an tahay isku xirnaanta qaaradda Afrika,iyagoo abuuraya fursado cusub oo loogu talagalay maalgashadayaasha ganacsatada iyo dalxiisayaasha Soomaaliya.

Ugu danbeyntii,diyaaradda Kenya Airways ayaa la rajeynayaa iney fududeyso socdaalka labada magaalo oo ah Nairobi iyo Muqdisho oo ah xarumaha ugu muhiimsan ee ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya iyo in la helo howlo ganacsi oo dhaq dhaqaaq leh.

Previous Post

Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida oo kulan degdeg ah ka yeeshay amniga dalka

Next Post

Saraakiil reer Gaza ah oo sheegay in Israeli ay dileen 7-ruux

Next Post
Saraakiil reer Gaza ah oo sheegay in Israeli ay dileen 7-ruux

Saraakiil reer Gaza ah oo sheegay in Israeli ay dileen 7-ruux

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In