Thursday, August 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasare Ku-xigeenda XFS oo Ka qayb galay shirka Amniga ee ka furmay Jordan

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasare Ku-xigeenda XFS oo Ka qayb galay shirka Amniga ee ka furmay Jordan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ku sugan dalka Jordan ayaa ka qayb gelaya shir looga hadlayo dagaalka loogu jiro yareynta ficillada argagaxisada iyo fikirka xagjirka ah.

Kulanka oo lagu qabanayo  magaalada xeebta ku taalla ee Aqaba ayaa qeyb ka ah kulamo caalami ah oo looga tashado iskaashiga amniga iyo gaashaandhigga, is-dhaafsiga khibradaha ee bahwadaagta heer gobal iyo heer caalami si loo xoojiyo dadaallada lagu wiiqayo xagjirnimada.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

August 20, 2026
Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026

Kulanka Aqaba ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa sidii dhaqaale ahaan, ciidan ahaan iyo fikir ahaanba looga hor-tegi lahaa ficillada abaabulan ee kooxuhu ka gaystaan caalamka oo dhan.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa shirka ku metelaya madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka oo lagu casuumay in midkooda ka qayb galo hase yeeshee ay uga baaqdeen hawla kale oo muhiim ah.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga gudaha iyo saraakiil kale ayaa qayb ka ah wafdiga uu hogaaminayo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doona mas’uuliyiinta kasoo qayb galay shirka Aqaba.

Previous Post

Wasiirka Difaaca Dalka iyo Taliyaha CXD oo kulan dhiira gelin ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga+Sawirro

Next Post

Jaaliyadda Koonfur Galbeed ee dalka Kenya oo taageero u muujiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Next Post
Jaaliyadda Koonfur Galbeed ee dalka Kenya oo taageero u muujiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Jaaliyadda Koonfur Galbeed ee dalka Kenya oo taageero u muujiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

August 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa Talaadadii khadka taleefanka wada-hadal ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Boqortooyada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In