Friday, October 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hooyo Suldaano Bare, Bulshadu wayday.!!!

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Hooyo Suldaano Bare, Bulshadu wayday.!!!
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hooyo Suldaano Muuse Caddow, waxay ka mid ahayd Macalimiinta Soomaaliyeed ee mudada dheer waqtigooda u huray waxbarista, iyo kobcinta garaadka dadka Soomaaliyeed ee waxbaranaya.

 

Related posts

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

October 31, 2025
Madaxweynaha Soomaaliya oo Billad Sharaf Qaran Guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya oo Billad Sharaf Qaran Guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti

October 31, 2025

Halganka Nolosheeda iyo hamiga wayn ay ka laheyd soo saarista Bulsho waxbaratay oo leh maskax nadiif ah ayaa waxaa hor istaagay maleeshiyada Al-Shabaab oo Qarax ku dilay 22-kii Bishaan December, xili ay u socotay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ay ka tirsanayd.

Hooyo Suldaano in ka badan 10-sano ayay ka shaqaynay howlaha Waxbarashada, iyadoo waqtiga uga badan ay ahayd Macalin wax bara Ubadka Soomaaliyeed.

Waxay mudo dheer ka soo shaqaysay oo macalin ay ka ahayd Machadyo kala duwan oo ku yaala magaalooyinka Maka iyo Madiina ee dalka Sacuudiga.

Sidoo kale waxay macalin ka soo noqotay qaar ka mid ah Jaamacadaha ku yaala dalka, sida ay inoo sheegeen dadkii ay aadka isku garanayeen Suldaano Allaha u naxariistee.

2015-kii ayay Suldaano Muuse ku biirtay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dib loo howlgaliyay 2014-kii.

Waxay haatan sidoo kale la shaqaynaysay wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya sida uu Radio Muqdisho u sheegay saygeeda Eng. Axmed Calasow.

Allaha una xariistee Hooyo Suldaano waxay xilligaan ahayd Madaxa qaybta Tababarrada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalana waxayd ahayd Macalimad dhigta luuqada English-ka.

Suldaano Muuse Caddow da’deeda waxay ahayd 54, sano jir, waxayna ku dhalatay Gobalka Shabeellaha Hoose Sanadka markuu ahaa 1964-tii.

Waxbarashadeeda Hoose, Dhexe iyo Sare waxay ku qaadatay Magaalooyinka Golwayn, Marka iyo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sido kale degree-ga koowaad ee Jaamacadd waxay ka qaadatay Universiti Putra Malaysia (UPM) waxayna ka baxday kulyadda luuqadaha.

Shahaadada master-ka ee heerka labaad ee Jaamacadda waxay ka qaadatay Lincoln University oo ku taala dalka Malaysia, iyadoo baratay cilmiga maaraynta Ganacsiga.

Waxay ahayd Hooyo dhashay Saddex caruur ah, waxaana haatan ay ifka uga tagtay oo kaliya Hal wiil oo ay dhashay iyo labo caruur ah oo uu dhalay.

“Waxay ahayd qof naxariis badan, oo aad uga war haysa dadka ay isku shaqada yihiin duruufaha iyo culaysyada ay dareemayaan, sidoo kale aad ayay ugu fir-fircoonayd shaqada, waxayna ahayd qof aad iyo aad u jecel horumarka iyo isbadalka,” Sidaasi waxaa Radio Muqdisho u sheegay qof ka mid ah dadkii ay isla shaqaynayeen.

W/D Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar

 

 

Previous Post

Ra’iisal wasaaraha dalka oo kormeeray Tiyaatarka Qaranka+Sawirro

Next Post

Sare u kac ku yimid qiimaha lakala siisto Kalluunka “SAWIRRO”

Next Post
Sare u kac ku yimid qiimaha lakala siisto Kalluunka “SAWIRRO”

Sare u kac ku yimid qiimaha lakala siisto Kalluunka "SAWIRRO"

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

October 31, 2025
0

Inta badan dalalka dunida ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska maalinta caalamiga ah ee caasimadaha ,si kor logu qaado danaha bulshooyinka...

Madaxweynaha Soomaaliya oo Billad Sharaf Qaran Guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya oo Billad Sharaf Qaran Guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti

October 31, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay xuska sanadguurada 25 ee shirkii Carta ayaa billad sharaf...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadeynta Soomaaliyeed ee Carta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadeynta Soomaaliyeed ee Carta

October 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

October 30, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta booqasho ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In