Monday, November 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Itoobiya oo dib u soo celineysa qaar ka mid ah muwaadiniinteeda ku baahsan caalamka

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Itoobiya oo dib u soo celineysa qaar ka mid ah muwaadiniinteeda ku baahsan caalamka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Itoobiya ayaa wadda qorshe lagu soo celinayo dhammaan muwaadiniinteeda ku dhaqan waddamada Caalamka ee aan sida sharciga ah ku joogin, sida uu sheegay Af-hayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibedda.

 

Related posts

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

November 3, 2025
Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

November 3, 2025

Dowladda Itoobiya ayaa Lixdii Bilood ee ugu dambeeyay Dalkeeda dib ugu soo celisay 44,500 Qof, kuwaas oo 4,168 ka mid ah laga kala keenay Waddamada Imaaraadka Carabta, Tanzaaniya, halka inta kalena laga keenay Dalka Sacuudiga.

Howlaha dib u celinta ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, Safaaradda Jidda ee Dalka Sacuudiga iyo Ururro Caalami ah, sida uu Saxaafadda u sheegay , Meles Alem, oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya.

Af-hayeenka ayaa sheegay  in Itoobiya ay xoogga saartay badbaadada muwaadiniinteeda, markii uu billowday dib u dhiska Dalkeeda, isagoo intaa raaciyay in dedaallada ay sii wadi doonaan dedaallada ku aaddan soo celinta muwaadiniinta ku dhibaateysan Waddamada shisheeye.

Ra’iisulwasaare Abiy Axmed, ayaa horraantii Sanadkan markii uu xafiiska la wareegay, waxa uu booqasho ku tagay Dalka Sacuudiga, isagoo halkaasi kasoo qaaday Diyaarad ay saarnaayeen muwaaddiniin u dhashay Itoobiya, kuwaasoo si sharci darra ah ku galay Sacuudiga.

Isha/Anadolu

Previous Post

Isbeddel lagu sameeyay talisyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Next Post

Hooyo Miski Abukar: Isagana wuxuu ku xiran yahay Sacudiga, aabahiisna wuxu nooga dhintay Qaraxii Zope

Next Post

Hooyo Miski Abukar: Isagana wuxuu ku xiran yahay Sacudiga, aabahiisna wuxu nooga dhintay Qaraxii Zope

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

November 3, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha, kaasi oo ay Golaha...

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

November 3, 2025
0

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa ka hadlay tabasho ay muujiyeen qaar ka mid ah muwaadiniinta, kaddib...

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

November 3, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr Al-Atty, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf,iyagoo...

Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2026

Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2026

November 3, 2025
0

Shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, oo uu guddoomiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa lagu ansixiyay filashada miisaaniyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In