Thursday, August 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-murtiyeed: Kulan hawleedka Saddex-Geesoodka ah ee hay’adaha Dastuurka oo soo xirmay +Sawirro

caqiil by caqiil
February 7, 2019
in Wararka
0
War-murtiyeed: Kulan hawleedka Saddex-Geesoodka ah ee hay’adaha Dastuurka oo soo xirmay +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir wadajir ah oo afar maalin ay lahaayeen seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka.

Ra’iisulwasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheeyre oo shirka soo xiray ayaa boGgaadiyay waxqabadka muuqda ee ay sameeyeen seddexda hay’ad, waxa uuna sheegay in xukuumadda ay ku garab taagantahay hay’adaha sidii loo dhameSAytiri lahaa Dastuurka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

August 21, 2025

Soomaaliya oo ka qayb-galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD9) 

August 21, 2025

Sidoo kale waxaa dhankooda xiritaanka shirka ka hadlay Wasiir Cabdi Xoosh, Gudoomiye Cabdiqaybdiid iyo Gudoomiye Maxamed Daahir Afrax iyagoo si wadajir ah u ballanqaaday in hay’adaha ay si labalaabi doonaan howlahooda korna u sii qaadi doonaan wadashaqeynta ka dhaxeeysa.

La-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee arrimaha Warfaafinta iyo Xiriirka, Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon ayaa warbaahinta u akhriyay War-murtiyeedka ka soo baxay shirka oo u qornaa sida tan:-

WAR-MURTIYEED:-

Kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen saddexda Hay’adood ee u xilsaaran Arrimaha Dib-u- eegista Dastuurka oo kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la Socodka Dib -u- Eegisda iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxabannaan ee dib -u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka 4 – 7 Febraayo 2019, ayaa lagu qiimeeyay howlihii la soo qabtay iyo caqabadihii lala kulmay sanadkii 2018 iyo sii ambaqaadka sanadka 2019.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay hay’adaha dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga lasocodka Dib-ueegista iyo Hirgalinta Dastuurka, Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayadoo ay goob joog ka ahaayeen Hay’adaha caalamiga ee UNSOM, UNDP iyo Max Planck.

Saddexda hay’adood ee Dastuurka markii ay si qoto-dheer dib–u –eegis ugu sameeyeen tubta geedi socodka dib -u -eegista Dastuurka isla markaana qodob-qodob loo dul istaagay qorshahaas, waxaa la isla qiray in horumar weyn laga gaaray fulinta tubta geedi socodka dastuurka; waxaase soo baxay caqabado dhowr ah oo isugu jira kuwo la xiriirra qaab-dhismeedka, kuwo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

Caqabadaha saameeyay habsami usocodka dib-u-eegista dastuurka 2018 waxaa ka mid ahaa:

Khilaafaadka siyaasaadeed ee u dhexeeyey Dowladda Federalka Soomaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, walaac laga muujiyay hay’ado aan dastuuri ahayn oo faraha kula jiray dib-ueegista Dastuurka, ergadii mataleysay Dawlad Goboleedyada kuna biiri lahaa Guddiga Madaxabannaan oo aan wali la dhamaystirin, isbarbar yaac ka jiray arrimaha wacyigelinta dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka, iska warqab la’aan ka jirtay hay’adaha taagera geedisocodka dib-u-eegista dastuurka iyo miisaaniyaddii loo qoondeeyey dib-u-eegista dastuurka ee 2018 oo aan sidii loo qorsheeyey loo helin iyo qoondadii 2019 ee hay’adaha dastuurku ay gudbiyeen oo aan la tixgalinin.

Hadaba, hay’aduhu waxay soo jeedinayaan in la qaado tallaabooyinka soo socda si loo xalliyo caqabadahaas:

1- In laga fogaado khilaafka siyaasadeed ee dhaawici kara geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka lana dadajiyo Arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed, sida qodobada 54aad iyo 122aad, wada hadalka Soomaaliland IWM ah.

2- Geeddi-socodka Dib-u-eegista dastuurka waa inay hogaamiyaan seddexda hay’adood ee heer Federaal ee loo igmaday.

3-In Wasaaradda Arrimaha Dastuurku ay ku soo dhameystirto sida ugu dhakhsaha badan ergadii ku matali lahayd Dowlad Goboleedyada Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka.

4-Waxaa lagu heshiiyey in arrimaha wacyigelinta si wadajir ah looga hawl galo ayadoo la raacayo Qorshe-Hawleedka Geeddi Socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

6-Wasaaradda Arrimaha Dastuurku waa in ay u hawl gashaa sidii la isugu keeni lahaa dhammaan hay’adaha caalamiga ee taageera dib-u-eegista dastuurka si loo looga yeesho aragti midaysan taageerada hawlaha geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

7-In Wasaaradda Maaliyadda ee XFS ay bixiso miisaaniyaddii loo qoondeeyey Dib-uEegista Dastuurka 2019, islamarkaana dib-u-eegista miisaaniyada xiliga dhexe ee 2019 qoondo ku filan loogu daro hay’adaha loo igmaday dib-u-eegista dastuurka.

8-Waxaa la go’aamiyay in la bilaabo latashiyada iyo wacyigalinta dadwaynaha cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay laga bilaabo bisha Maarso 2019.

9-Waxaa la isla gartay in ladadajiyo dhamaystirka dib-u-eegista dastuurka cutubyada ka harsan.

10-Waxaa lagu boorinayaa dhamaan hay’adaha qaran ee ay quseeyso shuruucda iyo hay’adaha hortabinta u leh dib-u-eegista dastuurka inay soo dhamaystiraan shuruucda iyo dhismaha hay’adaha looga baahanyahay.1

1-Waxaa lagu balamay in kulanka xiga ee qiimaynta dib-u-eegista dastuurka ee hay’adaha dastuurka inuu qabsoomo 1da Juun 2019.

Gabagabadii, hay’adaha dib-u-eegista dastuurka waxay ugu bishaaraynayaan ummadda Soomaaliyeed in geedi socodka dib-u-eegista dastuurka laga gaaray horumar wayn lana dhamaystiri doono inta dhiman sida ugu dhaqsiiyaha badan. Kulanka waxaa soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday dhamaystirka Dastuurka+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

August 21, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad...

Soomaaliya oo ka qayb-galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD9) 

August 21, 2025
0

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

August 21, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, oo...

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

August 21, 2025
0

Shirweynaha Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada 2025 ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Jazeera, maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In