Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga oo la faray in ay adeegsadaan cinwaannada rasmiga ah ee dowladda

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga oo la faray in ay adeegsadaan cinwaannada rasmiga ah ee dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa sheegay in wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga laga doonayo in ay ka shaqeysiiyaan barahooda internetka, isla markaana ay adeegsadaan emailo laga sameeyay xafiisyada ay maamulaan oo leh astaanta .gov.so ee u gaarka ah isticmaalka hay’addaha dowlada ee federaalka ah.

Wasiir Cabdi Cashuur Xasan oo arrimahan ka hadlayay ayaa sheegay in Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ay ka caawineyso wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee federaaliga ah sidii ay u sameysan lahaayeen baro internet oo ay dadweynaha ugu soo bandhigaan howlaha dowladda iyo wacyigelinta.

Isaga oo ka hadlayay arrimaha emailada, wuxuu wasiirku ku adkeeyay wasaaradaha iyo hay’adaha kale in ay adeegsadaan astaanta (.gov.so) si loo muujiyo muuqaalka iyo haybadda dawladnimo, looga hortago xiriirrada been-abuurka ah, isla markaana xafiisyada looga tago dhaxal, halkii mas’uulku cinwaankiisa gaarka ah kula tagi lahaa xiriirrada shaqo, taas oo dib-u-dhac u keeni karta howlaha xafiisyada.

“Dhammaan wasiirrada, wasiiru-dawlayaasha, ku-xigeennada, agaasimeyaasha guud iyo agaasime waaxeedyada waxaa loo sameeyay emailo ku saleysan xafiisyadooda, sidaas darted waxaa laga codsanayaa inay hawlahooda u adeegsadaan emailadaas, oo aan la isticmaalin email gaar ah, cinwaannadaasna lagu wareejin doono cidda xafiiska ay ku wareejinayaan,” ayuu yiri wasiirku.

Marka laga reebo isticmaalka, wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda waxaa laga doonayaa in cinwaannada loo isticmaalo warqadaha sumadeysan (letterheads), war saxaafadeedyada, boorarka xayeysiinta, ogeysiisyada warbaahinta, xayeysiinta shaqooyinka, kaarka business Card-ka, iyo dhammaan howlaha rasmiga ah ee dowladda in lagu isticmaalo emailada leh astaanta dawladda.

Ra’iisul wasaaraha dalka Md. Xasan Cali Kheyre oo kulanka ka hadlay ayaa ku adkeeyay wasaaradaha in ay isticmaalaan cinwaannada dawladda, lana joojiyo isticmaalka kuwa gaarka ah.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
Previous Post

Waxqabadka Todobaadka ee Maamulka Gobalka Banaadir

Next Post

Gudoomiyaha waaxda Horseed ee degmada Yaaqshiid oo ka hadlay waxqabadka maamulkiis “Dhageyso”

Next Post
Gudoomiyaha waaxda Horseed ee degmada Yaaqshiid oo ka hadlay waxqabadka maamulkiis “Dhageyso”

Gudoomiyaha waaxda Horseed ee degmada Yaaqshiid oo ka hadlay waxqabadka maamulkiis “Dhageyso”

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

Somalia, Sudan Denounce Israel’s “Somaliland” Recognition

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In