Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

C/llaahi Ciise Max’uud : “ Halgamaa Xusid Mudan” + Sawirro

admin by admin
March 24, 2019
in Wararka
0
C/llaahi Ciise Max’uud : “ Halgamaa Xusid Mudan” + Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diiwaanka Taariikhda ee dal walba ee dunida ka tirsan waxaa ku xardhan sooyaalkii wadamadaasi iyo kifaaxii ay u soo galeen hanashada Madax banaanidooda,waxaa xusuus reebyadaasi ku tilmaaman muwaadiniintii naf iyo maalba u huray oo shucuubtooda ku hogaamiyay dariiqa guusha,Shacbiga Soomaaliyeed oo ka soo jeeda sinji Keenadiid ah,wuxuu ka mid yahay umadaha dunida ee ku tilmaaman gumaysi diidka, lehna taariikh fac wayn oo gobanimadoon oo soo taxnayd qarniyaal dhowr ah.

 

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

Geesiyaasha ku daabacan quluubta  Soomalida waxaa ka mid Imaam Axmed Ibraahim Axmed Guray, Sayid Max’ed C/lle Xasan,Shiikh Bashiir, Shiikh Xasan Barsame, 13kii S.Y.L iyo  Xoghayihii guud ee Xisbiga S.Y.L C/llaahi Ciise Max’uud,Sidaa darted maanta oo ah 24/03/2019 kuna beegan Sanadguuradii 31aad ee ka soo wareegtay Alle ha u naxariistee geerida halyey C/llaahi Ciise  waxaan, Qormadaan aan kaga hadlayaa Tariikh Nololeedkiisa iyo kaalintiisii hogaamineed ee uu ku lahaa halgankii Gobanimo doonka  Soomaaliyeed.

Tariikh Nololeedkiisii

Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobalka Sh/hoose, sanadkii 1922dii, AAabbihii isaga oo yar ayuu dhintay, waxaana soo korisay Alle ha u naxariistee hooyadiis oo lagu magacaabi jiray Mareero Diini Axmed , kadibna Xamar ayay u soo wareegeen, halkaas oo uu ka bilaabay dugsiga Qur’aanka iyo waxbarashadiisii H/ Dhexe.

1938-kii, C/llaahi Ciise, isaga oo jira lix iyo toban sano, ayuu dhamaystay wabarashada,dugsiga sare ee Talyaaniga wuxuuna noqday maamule xafiis,dhamaadkii 1943-kii, C/llaahi Ciise, wuxuu ka mid noqday Golihii Dhexe ee Naadigii dhalinyarada Soomaaliyeed S.Y.C.

1944-kii, wuxuu ka furay Magaalada B/weyne laantii ugu horreysa ee S.Y.L, 15-5-1947-kii, sanad-guuradii 4-aad ee ururka,waxaa loo doortay C/llaahi Ciise Max’uud xoghayaha Guud  ee S.Y.C.

Qorshahiisii Siyaasadeed

Mudane C/llaahi Ciise si halganka loo dardargaliyo waxaa uu keenay qorshe siyaasadeed (Political program) magacii hore ee SYC waxa uu u beddelay S.Y.L (Somali Youth League) waxa uu soo saaray barnaamijkiisii siyaasadeed oo ka koobnaa shan qodob oo kala ahaa.

  1. In la raadiyo gobanimadii iyo xorriyaddii shanta Soomaaliyeed oo midaysan.
  2. In lala dagaalamo dhaqanka kala qaybinta ee qabyaaladda ku dhisan
  3. In laga hortago ciddii ka hortimaada danta Soomaaliyeed.
  4. In waxbarashada lagu baahiyo dalka lana dhiso aqoonta iyo waxqabadka dhalinyarada.
  5. In la qoro afka Soomaaliga.

1947-dii bishii November halgame C/llaahi Ciise Maxamuud, waxa uu gudoomiyay fadhigii taariikhiga ahaa ee golaha dhexe ee S.Y.L ku gaareen in mudo 10 sano ah oo xornimo lagu gaarsiiyo koonfurta Soomaaliya taasi oo ay u soo bandhigeen guddigii ka kooban afartii quwadood ee markaas jiray (Four power commission) kuwaas oo dalka yimid 7-dii January 1948-kii

11-1-1948 halgame C/llaahi Ciise Maxamuud oo ku sugnaa Xarunta S.Y.L ayaa waxaa soo weeraray Xafiisyadii Xarunta S.Y.L Soomaalidii Pro- Talyaaniga ahaa,halkaas oo uu ka bilowday dagaalkii Ha Noolaato oo ay ku geeriyoodeen 52 ruux oo Talyaani ah 15 ruux oo Por-Tayaani iyo Alle ha u naxariisto  Halgame Xaawo Cusmaan (Xaawo Taako).

20-1-1948- mudane C/llaahi Ciise Maxamuud wuxuu qaabilay Four power commission wuxuu u gudbiyey qorshaha siyaasadeed ee S.Y.L oo ahaa in muddo 10 sano ah Soomaaliya xoriyaddeeda lagu gaarsiiyo ayna gaarsiiyaan guddi ka kooban Afartii dowladood eek u guulaystay dagaalkii 2aad ee dunida ( Four Power Commission.)

31-10-1948 Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud iyo  Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal waxay u direen Xoghayihii guud ee Qaramada Midoobay Mr. Trygve lie warqad (memo) ah oo ay ugu sheegeen in Soomaalida inteeda badan ay doonayaan in Soomaaliya oo midaysan ay xorriyadda gaarsiiyaan afartii quwadood ee markaas jiray

Shirkii Paris

Gumaysigii Ingiriiska wuxuu Qorsheeyay si C/llahi uu shirkaas uga baajiyo in safarka ka hor lagu mudo Talaal sun, balse S.Y.L waa ka warheleen dhagartaa cadowgu la maaganaa hogaamiyahooda waxaana  go’aan nafhurnimo ah qaatay oo C/llaahi Ciise iska dhigay mudane Maxamed Yuusuf Aadan (Muuro) oo Muuqaal ahaan ay isku ekaayeen islamarkaana C/llaahi ahaan loo talaalay in muddo ahna la xanuunsanaa talaalkaas awgiis.

28-10-1948dii wuxuu md: C/llaahi Ciise ka dhoofay dalka si uu uga qaybgalo shir ka dhacayay Baris gaar ahaan lexuss oo ay soo qaban qaabiyeen Wasiiradii Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga iyo Ingiriiska oo 5tii ilaa lixdii may 1948 ku shiray London heshiiskaas oo la magac baxay “Sforza-Bevin plan oo Four Power Commission uga hadlayeen arrimaha Soomaaliya..

30/10/1948-dii Halgame C/llaahi Ciise waxa uu ka degay Magaalada London waxaana soo dhaweeyay Ducaale Max’ed oo ahaa xoghayihii SYL ee Cardiff iyo Ibraahim Max’ed oo ahaa Madaxii S.Y.L. ee Liverpooll.

3/11/1948-dii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu la kulmay Xoghayahii arrimahad dibadda ee dalka Ingiriiska.

Maarso 1949-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu tagay xarunta Qaramada Midoobey ee New York halkaas oo uu ka waday Diplomaasiyaddii uu xoriyadda Soomaaliya ugu raadinayay.

13/6/1949-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud isagoo ku sugan Magaalada New York waxa uu SYL u soo diray qoraalkii caanka ahaa ee la magac baxay Appelle i Somali oo uu ugu sheegayey Guud ahaan Somaali Weyn,SYL iyo Beesha Caalamka qatarta uu wato qorshaha Sforza Bevin Plan, arrintaas oo misana Qaramada Midoobey ku kala jabtay.

21/11/1949-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu suurta gashay in Qaramada Midoobey soo saarto Go’aan Lambar 289(UN Resolution No 289)oo qeexayay in Koonfurta Soomaaliya xorriyadda lagu gaarsiiyo mudo toban sano ah Trusteeship islamarkaana uu maamulo Talyaaniga, iyadoo la dhinac dhigay Guddiga Qaramada Midoobay ka socday oo ka koobanaa dalalka Masar, Filibiin, Colombia oo ilaalinayay howlaha xoriyad gaarsiinta sida ay u socdaan.

18/10/1950-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud wuxuu dacwad u qoray Qaramada Midoobey taasi oo uu ku eedeenayo maamulka AFIS oo ka leexday waajibaadkii loo xilsaaray, waxa uuna ka codsaday Qaramada Midoobey in la sameeyo guddi la tashi Qaran (Consultative Council) oo awood leh, wuxuu kaloo Qaramada Midoobey ka codsaday in Soomaaliya laga difaaco Ajnabiga ku soo qulqulaya gaar ahaan kuwa Talyaaniga ah.

1954-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu ku guuleystay siyaasad ahaan in uu Qaramada Midoobey ku qanciyo in la is-barbarsuro calaamada Soomaaliya Qaramada Midoobey,iyo kan Talyaaniga

Xukuumaddii Daakhiliga:-

1956-1960-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu horeeyay ee Soomaaliya, waxaana Dawladdaas lagu dhisay Sharci No=1 ee 7/5/1956-dii.

1959-kii Halgame C/llaahi Ciise wuxuu mar labaad ku guuleystay xilka Ra’iisal Wasaaraha.

12/4/1960-kii Halgame C/llaahi Ciise waxa uu saxiixay, isla markaana soo saaray wareegtadii lagu dhisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna darajada Sareeye Guuto u dalacsiiyay una magacaabay Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Allaha u naxariisto general  Da’uud Cabdule Xirsi.

 Xilalkii uu qabtay xornimada kadib

1960-1964dii  C/llaahi Ciise Maxamuud wuxuu noqday Wasiirkii ugu horeeyay arrima dibadeed oo ay Jamhuuriyadda Soomaaliya yeelato.

1964-1967dii,C/llaahi Ciise waxa uu ahaa wasiirka Caafimaadka.

1967-1969dii,C/llaahi Ciise waxa uu ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha.

1969-1973dii,Halgame C/llaahi Ciise waxa uu ka mid ahaa madaxdii Soomaaliyeed ee kooxdii Militariga ahayd ay inqilaabeen lana xirxiray isagoo xabsiga ku jiray muddo afar sano ah.

1973-1984dii,Halgame C/llaahi Ciise wuxuu ahaa danjiraha Somaaliya u fadhiya dalka Sweden, isla markaana wakiil ka ahaa dhammaan waddamada la isku yirahdo Scandinavia.

Geeridiisii

24/3/1988dii Allaha u naxariistee Halgame C/llaahi Ciise waxa uu ku geeryooday Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

29/3/1988dii,Halgame C/llaahi Ciise maydkiisa ayaa dalka la keenay isla maalintaasna waa la aasay, waxaa loo aasay si heer Qaran ah, iyada oo halgamaashii SYL dhamantood ay aaskiisii ka soo qaybgaleen intii markaa nooleyd waxaana qabrigiisa si wadajir ubux u dhigay Madaxwaynayaashii Soomaaliya Mudane Aada C/lle Cismaan iyo Jaalle Max’ed Siyaad Barre waxaana Janaasada Marxuumka soo xaadiray dadweyne Soomaaliyeed oo aad u fara badan    iyadoo mudo saddex maalmood ahna hoos loo dhigay calanka Soomaaliya, waxaana dalka oo dhan ka dhacay baroordiiq Qaran.

xigasho: SONNA

Previous Post

Akhriso: Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland

Next Post

Wasaaradda xannaanada Xoolaha KG oo sheegtay in aan la gowrici karin Xoolo aan la baarin

Next Post
Wasaaradda xannaanada Xoolaha KG oo sheegtay in aan la gowrici karin Xoolo aan la baarin

Wasaaradda xannaanada Xoolaha KG oo sheegtay in aan la gowrici karin Xoolo aan la baarin

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In