Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka dib-u-heshiisiinta Hirshabelle oo kulamo Cadale kula qaatay Odayaasha beelo halkaasi ku dagaallamay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka dib-u-heshiisiinta Hirshabelle oo kulamo Cadale kula qaatay Odayaasha beelo halkaasi ku dagaallamay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi isu gujira Wasiro, Xildhibano, taliyayaal, Gudomiyeyal Degmo iyo Oday dhaqameedyo oo uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda dib-u-heshiisiinta iyo dib u dejinta dowlad Goboleedka Hirshabelle Eng Cabdikariim Cali Nuur oo howlo shaqo ku joogay maalmihi la soo dhaafay deegaanno hoosyimaada degmada Cadale oo beelo walaala ah ay ku dagaalameen ayaa Madaxda Hirshabelle, Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ugu baaqay in la gar gaaro dadka ku barakacay dagaalka sokeeye, lana garab istaago dadaallada ay waddo Wasaaradda dib-u-heshiisinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle si loohelo Nabad iyo Xasilooni.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Wafdi uu horkacayay Wasiirka dib-u-heshiisiinta Hirshabelle Mudane Cabdikariim Cali Nuur ayaa intii uu joogay Degmada Cadale waxa uu kulamo la qaatay odayaasha labada dhinac ee dirirtu dhex martay, waxaana uu kala hadlay in ay joojiyaan xabada, weyna ubalan qaadeen labada dhinac, waxa kala uu kala hadlay ahmiyadda ay u leedahay bulshada Nabadda in laga wada qeyb qaato..

Sidoo kale Eng Cabdikariim Cali Nuur ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan ay ka shaqeyn doonaan sidi gogol Nabadeed loogu  fudin lahaa  beelaha walaalaha ah oo ay dirirtu dhextaalo, si loo helo dib-u-heshiisin rasmi si loogu wada noolaado walaaltinimo iyo nabad, sidoo kalena ay ka qeyb qaadan doonaan dib u dejinta qoysaska saameynta ay ku yeelatay colaadda.

Wasiirka dib-u-heshiisiinta iyo dib udejinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa waayihi dambe kormeer ku tagayay deegaanno hoostaga Hirshabelle, isagoo bulshada kulamo la qaadanayay, islamarkaana uu ka wacyi galinayay dhibaatada ay leedahay in colaad la huriyo oo dad walaal ah ay dhiig iska daadiyaan, waxaana qorshuhu yahay oo Wasaaraddu hormuud u tahay kulamo wacyi galin ah laga sameeyo guud ahaan deegaannada Hirshabelle.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo faray Maamulka Wadajir dardargelinta Qorshayaasha Horumarinta Degmada “SAWIRRO”

Next Post

Doorashada 3 kursi oo ka bannaan golaha shacabka oo maanta ka dhacaysa Baydhabo

Next Post
Doorashada 3 kursi oo ka bannaan golaha shacabka oo maanta ka dhacaysa Baydhabo

Doorashada 3 kursi oo ka bannaan golaha shacabka oo maanta ka dhacaysa Baydhabo

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In