Thursday, August 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka dib-u-heshiisiinta Hirshabelle oo kulamo Cadale kula qaatay Odayaasha beelo halkaasi ku dagaallamay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 27, 2019
in Wararka
0
Wasiirka dib-u-heshiisiinta Hirshabelle oo kulamo Cadale kula qaatay Odayaasha beelo halkaasi ku dagaallamay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi isu gujira Wasiro, Xildhibano, taliyayaal, Gudomiyeyal Degmo iyo Oday dhaqameedyo oo uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda dib-u-heshiisiinta iyo dib u dejinta dowlad Goboleedka Hirshabelle Eng Cabdikariim Cali Nuur oo howlo shaqo ku joogay maalmihi la soo dhaafay deegaanno hoosyimaada degmada Cadale oo beelo walaala ah ay ku dagaalameen ayaa Madaxda Hirshabelle, Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ugu baaqay in la gar gaaro dadka ku barakacay dagaalka sokeeye, lana garab istaago dadaallada ay waddo Wasaaradda dib-u-heshiisinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle si loohelo Nabad iyo Xasilooni.

 

Related posts

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

August 7, 2025
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

August 7, 2025

Wafdi uu horkacayay Wasiirka dib-u-heshiisiinta Hirshabelle Mudane Cabdikariim Cali Nuur ayaa intii uu joogay Degmada Cadale waxa uu kulamo la qaatay odayaasha labada dhinac ee dirirtu dhex martay, waxaana uu kala hadlay in ay joojiyaan xabada, weyna ubalan qaadeen labada dhinac, waxa kala uu kala hadlay ahmiyadda ay u leedahay bulshada Nabadda in laga wada qeyb qaato..

Sidoo kale Eng Cabdikariim Cali Nuur ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan ay ka shaqeyn doonaan sidi gogol Nabadeed loogu  fudin lahaa  beelaha walaalaha ah oo ay dirirtu dhextaalo, si loo helo dib-u-heshiisin rasmi si loogu wada noolaado walaaltinimo iyo nabad, sidoo kalena ay ka qeyb qaadan doonaan dib u dejinta qoysaska saameynta ay ku yeelatay colaadda.

Wasiirka dib-u-heshiisiinta iyo dib udejinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa waayihi dambe kormeer ku tagayay deegaanno hoostaga Hirshabelle, isagoo bulshada kulamo la qaadanayay, islamarkaana uu ka wacyi galinayay dhibaatada ay leedahay in colaad la huriyo oo dad walaal ah ay dhiig iska daadiyaan, waxaana qorshuhu yahay oo Wasaaraddu hormuud u tahay kulamo wacyi galin ah laga sameeyo guud ahaan deegaannada Hirshabelle.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo faray Maamulka Wadajir dardargelinta Qorshayaasha Horumarinta Degmada “SAWIRRO”

Next Post

Doorashada 3 kursi oo ka bannaan golaha shacabka oo maanta ka dhacaysa Baydhabo

Next Post
Doorashada 3 kursi oo ka bannaan golaha shacabka oo maanta ka dhacaysa Baydhabo

Doorashada 3 kursi oo ka bannaan golaha shacabka oo maanta ka dhacaysa Baydhabo

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

August 7, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Maamulaha Dekedda Muqdisho iyo...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

August 7, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa daahfuray mashruuca ololaha nadaafadda caasimadda ee dib-u-soo-celinta...

Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

August 7, 2025
0

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdinaasir Cumar Kaatib, ayaa ka qeybgalay kulanka Guddiga...

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay saddex Khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay saddex Khawaarij ah

August 7, 2025
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay ku fulisay dil toogasho ah saddex dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In