Sunday, July 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Faay Cali Raage… Hooyo iyo Halyey Qaran

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 22, 2019
in Maqaallo, Wararka
0
Faay Cali Raage… Hooyo iyo Halyey Qaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
Marxuumad Faadumo Cali Raage oo gudaneysa waajib Qaran

Faadumo Cali Raage,  oo ku caan ahayd Faay Cali, waxa ay ahayd Gaashaanle ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Waxa ay ahayd sarkaalad firfircoon, horay waxay uga tirsaneyd ciidanka ilaadada Madaxtooyada Qaranka , muddooyinkii dambana waxa ay ka mid ahayd saraakiisha hoggaamiya  howlgallada Ciidanka Xoogga ee ka socda caasimadda bannaankeeda.
Mar ayay soo noqotay taliyaha howl-gelinta ciidanka DANAB.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 26, 2025
Madaxweynaha JFS oo gaaray Dalka Djibouti

Madaxweynaha JFS oo gaaray Dalka Djibouti

July 26, 2025

Waxa ay ahayd sarkaal karti badan oo qeyb libaax ka qaadatay dagaallo lagu wiiqay cadowga Al-Shabaab, iyadoo mar walba ku jirtay furinta hore ee dagaalka.

Sidoo kale Faay Cali Raage, waxa ay ahayd Hooyo Soomaaliyeed oo leh carruur iyo reer leh, kuwaas oo ku dadaali jirtay daryeelkooda.

Barqadii maanta oo ay tahay 17 Ramadaan, ayay  ku shahiidday qarax argagixisada Al-Shabaab ku laayeen dad Soomaaliyeed oo saa’imiin ahaa.

Faay waxaa la geeriyooday saygeedii oo isna ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Faay Cali waxa ay ifka kaga tagtay carruur uu ugu yar yahay mid dhallan 30 cisho. Iyadoo 30 cisho umul ah ayay u soo kallahday difaaca dalkeeda iyo la dagaallanka cadowga Ummadda oo aaney u kala soocneyn rayid iyo ciidan, dumar iyo carruur ama dad waayeel ah.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Previous Post

Wasiirka cadaaladda oo tababar u furay waakiillo ka socday bahda cadaaladda dalka

Next Post

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka

Next Post
DAAWO: Tartamayaasha Degmada Shibis oo caawa si fudud ugu soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 26, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa kulan Wadatashi ah la qaatay wax-garadka mid ka...

Madaxweynaha JFS oo gaaray Dalka Djibouti

Madaxweynaha JFS oo gaaray Dalka Djibouti

July 26, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee...

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

July 26, 2025
0

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu ku faraxsan yahay qalinjabinta afar xubnood oo ka tirsan Maamulka iyo Agaasinka Xafiiska...

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

July 26, 2025
0

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa si habsami leh uga socota magaalada dhuusamareeb ee xarunta Doad goboleedka Galmudug Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa isu diiwaangelinaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In