Shirka Wada-tashiga Qorshaha Istiraatiijiyada Qaranka ee Xakameynta Daacuun caloolaha dalka oo soo maray dhowr marxaladood ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qayb galayaan dhowr wasaaradood sida caafimaadka oo hormuud u ah wasaaradda beeraha wasaaradda Gargaarka dowladda hoose ee xamar iyo hay’ado kale.
Waxaa uu socon doonaa labo maalin waxaana horay looga soo qabtay dhammaan dowlad goboleedyada dalka waxaana qayb ka qaadanaya qorshahaan hay,adda caafimaadka aduunka ee WHO iyo Jaaqmacadda Banaadir ka qayb galayaasha ayaana ka doodi doona sida ugu wanaagsan ee qorshahaa loo diyaarin karo.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka dalka Dr C/llaahi Xaashi Cali oo ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad wen oo shirkani u leeyahay istiraatiijiyada Qaranka ee ka hortaga daacuun caloolaha.
Wasiir ku xigeenka Caafimaadka dalka Xildhibaan Maxamed Siciid C/llaahi oo si rasmi ah u furay shirkaan labada maalin soconaya ayaa la dardaarmay ka qayb galayaasha.
“Shirkani waxaa uu muhiimad weyn uleeyahay Qorshaha caafimaadka si gaar ah ka hortaga daacuun caloolaha wasaaradda ayaa hormuud ka ah waxaan horay wada-tashiyo ula soo sameynay dowlad goboleedyada hadda waxaan ku qabaneynaa gobolka Banaadir ka dibna waxaan soo saari doonaa qorshe dhameystiran” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Caafimaadka dalku.