Sunday, May 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxa Xarunta Waxbarashada, Nabadda iyo Horumarinta Gaalkacyo oo la gudoonsiiyay abaal marin caalami ah

caqiil by caqiil
November 30, 2019
in Wararka
0
Madaxa Xarunta Waxbarashada, Nabadda iyo Horumarinta Gaalkacyo oo la gudoonsiiyay abaal marin caalami ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

May 11, 2025
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

May 11, 2025
Madaxa xarunta Waxbarashada, Nabadda iyo Horumarinta Gaalkacyo ee (GECPD), Mama Xaawo Aadan Maxamed ayaa ku guuleysatay biladda caalamiga ah ee Baraha sannadka 2019ka oo uu bixiyo telefishinka afka Ingiriiska ku baxa ee laga leeyahay dalka Turkiga ee TRT World Citizen.

Waxay ay ku mutaysatay 20 sanno in ka badan oo ay ka shaqeynaysay waxbarista Gabadha Soomaaliyeed, Dadka laga tirada badanyahay, iyo Barakacayaasha.Mama Xaawo , ayaa markii lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay biladda caalamiga ah waxay sheegtay inay aad ugu faraxsantahay isla markaana ay la qeyb sanayso dadka la shaqeeya.

Waxaa ay horey ugu guuleysatay bilada Nansen, ee ay bixiso hayadda Qaramada Midoobay ee qaxootiga UNHCR iyo biladdo kale oo ay ku heshay shaqooyinka badan ee ay u qabatay bulshada. Biladda Nansen Refugee Award ayaa ah biladaha ugu muhiimsan ee ay bixiso  Qaramada Midoobay.

Mama Xaawo Aadan oo aasaastay xarunta Waxbarashada, Nabadda iyo Horumarinta Gaalkacyo ee (GECPD) ayaa ilaa sannadkii 1995 waxay ka shaqaynaysay waxbarashada gabdhaha, daryeelka gabdhaha loo geystay gacan hadalka iyo gudniinka fircooniga ah.

Previous Post

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Brussels wada-hadallo kula leh madaxda ururka Midowga Yurub

Next Post

QM: oo Shaacisay in nus Malyuun Qof ay ku waxyeelloobeen fatahaadahii ka dhacay Soomaaliya

Next Post
QM: oo Shaacisay in nus Malyuun Qof ay ku waxyeelloobeen fatahaadahii ka dhacay Soomaaliya

QM: oo Shaacisay in nus Malyuun Qof ay ku waxyeelloobeen fatahaadahii ka dhacay Soomaaliya

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

May 11, 2025
0

Xafladda Somali Night Awards oo ay soo qaban qaabiyeen dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Danjiraha...

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

May 11, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa hadimo-sharafeed soo dhaweyn ah u sameeyey Hoggaamiyaha Dowlad...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay...

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran  ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adaha dowladda federaalka ayaa maanta isugu yimid kulan muhiim ah oo lagu lafagurayo, laguna ansixinayo Qorshaha Qaran ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In