Friday, September 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya ee Zambia oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya ee Zambia oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Soomaaliya ee Zambia iyo Jaaliyadda Soomaaliyyed ayaa abaabul ugu jira sidii ay  dib u habeyn ugu sameyn lahaayeen Safaardda Soomaaliya ee dalkaasi.

Wixii ka dambeeyey markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalkaasi Zambia u magacowday safiir cusub oo ah Marwo Xaawo Maxamed Xasan,waxaa bilowday dadaalo ku aaddan sidii loo horumarin lahaa xiriirka dhanka diplomaasiyadda ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka dowladnimo ee dalkooda hooyo.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi Zambia ayaa soo dhaweyn ballaaran u sameeyey Danjiraha Soomaaliya ee dalkaasi Amb Xaawo Maxamed Xasan,iyagoo xusay in kala qeyb qaadan doonaan sidii loo abuuri lahaa mashaariic lagu dhisayo safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Danjire Xaawo Maxamed Xasan oo la hadlaysay wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA) ayaa uga mahadcelisay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi oo uu hormuud u yahay guddoomiyohoodi Maxamed Maxamuud(Hiiraan) sida wanaagsan oo ay u balanqaadeen in ay kala shaqeeyaan sidii loo dardargelin lahaa dib u habeynta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Zambia.

Wadatashi dheer oo dhex marey Safiirka Safaaradda  Soomaalia ee dalkaasi, Guddoonka Jaaliyadda, Culimaa’udiinka, Ganacsatada,dhalinyada iyo Hooyooyinka, waxaa la sameeyay gudiyo ka shaqeynaaya sidii masruucan loo dedejin lahaa, loogana mira dhali lahaa.

Jaaliyadda oo inta badan ka ganacsata wadankaas, aadna u firfircoon kana muuqda, marka loo eego dadka ajnabiga ah ee ku nool wadanka Zambia,Jaaliyadda waxay u sheegeen safiirkooda Cusub in ey diyaar u yihiin in ey la shaqeeyaan, garabna ku siiyaan wax walba oo lagu soo celinayo sharafta iyo gobonimada qaranka Soomaaliyeed.

Dalka Zambia oo dhaca dhinaca Koonfureed ee qaaradda Afrika ayaa ah wadan aad u muhiimsan marka loo eego fursadaha ay ku haysataan bulshada Soomaaliyeed oo halkaasi ku leh ganacsiyo aad u ballaaran,taasina waxaa ay horseedeysa in la xoojiyo xiriirka diplomaasiyadeed ee labada dal.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo deeq dawo ah gaarsiisay Isbitaalka Dhoobley “SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo markale ka doodaya sharciga doorashooyinka Qaranka

Next Post
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meel mariyay ku noqoshada qoondada Miisaaniyadda Dowladda 2019 “SAWIRRO”

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo markale ka doodaya sharciga doorashooyinka Qaranka

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In