Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo lasoo gaba-gabeeyay

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo lasoo gaba-gabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa goor dhow la soo geba-gebeeyey codeynta doorashada guddoonka baarlamaanka Galmudug,iyadoo la doortay guddoomiye iyo kuxigeenadiisa.D

oorashada guddoomiyaha Waxaa Codaysay 89 Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, waxa ayna u codeeyeen laba Mushasrax oo kala ahaa Dr Maxamed Nuur Gacal iyo C/naasir Aadan Cusmaan oo kala heley  sidan,C/naasir Aadan Cusmaan waxa uu Helay 34 Cod Halka Dr Maxamed Nuur Gacal uu helay 54 Cod,waxaana xumaaday 1 Cod sida Guddigu Sheegay sidaasina waxaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ku noqday Dr Maxamed Nuur Gacal.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026

Intaasi kadib Waxaa loo gudbay Doorashada Guddoomye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug oo u tartantay Laba Xildhibaan oo kala ahaa Saadaq Sh Yuusuf iyo Xildhibaan C/llaahi Xirsi Maxamed.

Cod bixinta ka dib waxaa doorashada Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug ku guuleystay, C/llaahi Xirsi Maxamed, isagoo helay 59 cod, halka musharaxa la tartamayay oo ahaa, Saadaq Shiikh Yuusuf Ibraahim uu helay 29 cod, waxaana xumaaday Hal cod.

Xilka Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa isna waxaa ku loollamay , Maxamed Shiikh Axmed Maalin iyo Faadumo Cabdi Cali.

Waxaana tirinta codadka ka dib xilkaasi ku guuleysatay, Faadumo Cabdi Cali oo ahayd Haweeneyda keliya ee ku jirtay musharaxiinta Guddoonka Baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la guda galo doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.

Previous Post

15 Al-Shabaab ahaa oo lagu dilay dagaal ka dhacay Shabeellaha dhexe

Next Post

Agaasinka W/faafinta Madaxtooyada Qaranka oo ka hadlay cabashada hooyo Soomaaliyeed oo lagu baahiyay baraha bulshada

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay

Agaasinka W/faafinta Madaxtooyada Qaranka oo ka hadlay cabashada hooyo Soomaaliyeed oo lagu baahiyay baraha bulshada

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

January 7, 2026
0

The Minister of Defence, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today officially concluded a military training programme for units of the Gorgor...

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo ku guulaysatay siidaynta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo 4 maalin ah ku xayirnaa xeebaha Dalka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee...

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In