Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawladda iiraan oo Sheegtay inay Soo Bandhigayso Dayax Gacmeed Cusub Maalmaha Soo Socda.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Dawladda iiraan oo Sheegtay inay Soo Bandhigayso Dayax Gacmeed Cusub Maalmaha Soo Socda.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxa Wakaaladda Hawada ee Iiraan Murtada Beraari ayaa  warbaahinta u sheegay in dalkiisu uu isu diyaarinayo in uu dhowr maalmood gudahood ku soo bandhigo dayax-gacmeed cusub oo loogu magac daray “Dafar”, kaasoo ay hawada u diri doonaan maalmaha soo socda.

Beeraari wuxuu si kooban u sharraxay dayax gacmeedkan iyo ujeedka ay ka leedahay Dawladdiisu, isagoo tilmaamay in hirgelinta qamar sanaacigan la bilaabay saddex sano kahor, iyadoo ay ka qayb qaateen 80 aqoonyahanno iiraaniyiin ah oo ku takhasusay cilmiga dayax gacmeedyada.

Related posts

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026

Wuxuu intaa ku daray in dayax gacmeedkan culayskiisu yahay 113 KG isla markaana uu adduunka oo dhan kusoo wareegi karo 15 jeer maalin kasta, sidoo kalena uu awood u leeyahay inuu 530 FEET oo hawada ah tagi karo.

“Ujeeddada ugu weyn ee Dawladda iiraan ka leedahay una samaysatay dayax gacmeedkan waxay noqon doontaa uruurinta muuqaallo, ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah, iyo horumarinta beeraha “ ayuu yiri Beraari.

Arrintan ayaa walaac xoog leh ku abuuraysa wadamada reer galbeedka oo maraykanku ugu horreeyo, iyagoo u arka in iiraan ay qaadayso tallaabooyin ka dhan ah shuruucda caalamiga ah ayna dhibaato ku tahay nabadgelyada caalamka.

Mudane Beeraari wuxuu kaloo caddeeyey in hay’addiisu ay ku talajirto inay sidoo kale soo gabagabeeyo soo saarida shan dayax gacmeed oo dheeraad ah bisha Maarso ee sanadka soo socda 2021.

Turjumaadii :- Zakariye Khaliif Faarax
News Room – Warbaahinta Qaranka.

Previous Post

Al-Shabaab oo lagala wareegay deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan

Next Post

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo bilaabaneysa …….

Next Post
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo lasoo gaba-gabeeyay

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo bilaabaneysa .......

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 4-aad ee UNESCO...

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026
0

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl Maslax Maxamuud Maxamed, ayaa gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud, halkaas...

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

September 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania Maxamed Waled Sheeikh Alqazwaani ayaa ka guddoomay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtar...

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In