Waxaa Magaalada Jowhar Ee Xarunta Dowlad Goboledka Hirshabeele lagu soo gaba-gabeeyay kulamo looga hadlayay wacyi gelinta iyo kasoo talo bixinta dhammaystirka qabyo qoraalka dastuurka Dalka.
Kulanka oo Saddexdii Maalmood ee lasoo dhaafay ay wada qaateen madaxda ugu sarreysa maamulka Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka Dalka ayaa lagu gorfeeyay sida ugu habboon ee loo dhammaystiri lahaa dastuurka kmg ah.
Wasiiru Dowlaha arrimaha dastuurka ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane; Saaddaq Muqtaar Cabdulle, oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay falanqayn dheer ka dib Guddiga dib u eegista isla meel dhigeen in ay kasoo baaraan degaan ka Hirshabeelle ahaan qaabka loo wajihi karo dhammaystirka dastuurka iyo turxaan bixintiisa,
Wasiir Saaddaq ayaa intaa raaciyay in ay xubnaha ka socda Guddiga dib u eegista dastuurka Dalka mas’uuliyiinta Labada Gole ee maamul Goboleedka Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe ku wareejiyeen nuqullo ka mid ah dastuurka, si ay uga soo tala bixiyaal.