Friday, August 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo Muwaadiniintii ugu horeysay ka keentay Dalka Hindiya”Sawirro”.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 7, 2020
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Muwaadiniintii ugu horeysay ka keentay Dalka Hindiya”Sawirro”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa ku soo dhoweeyay  gegidda diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho 128 muwaadin oo laga soo daadgureeyay dalka India kadib markii ay ku xayirnaayeen muddo ku dhowaad labo bilood sababo ku saabsan xanuunka safmarka ah ee Koroona feyrus (COVID-19).

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka soo daadgureysatay intii u dhexeysay 25 April illaa iyo maanta oo ah 6 June 1,374 muwaadin oo ku xayirnaa todobo dal oo qaaradaha Afrika iyo Eeshiya ku kala yaalla , taasi oo ay ugu wacnayd inta badan garoomada caalamiga oo la xiray si loo xakameeyo faafidda Koroona feyrus.

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

August 1, 2025
Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

August 1, 2025

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku guuleysatay in muwaadiniintaasi ka soo daadgureyso wadamadii ay ku xayirnaayeen ee kala ah Turkiga, Kenya, Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Isutagga Imaaraatka Carabta, Uganda, Pakistan iyo India kadib iskaashi ay kala samaysay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo shirkadaha duulimaadka sida gaarka ah ay u leeyihiin Soomaalida si dadkaasi loogu gudbiyo halka ay ka deganyihiin dalka oo ah Magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Turkiga ee uu madaxda ka yahay Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed, ayaa ku soo daadguraysay 61 muwaadin hal duulimaad 25 April oo ka soo ambabaxday Magaalada Istanbul.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Kenya ee uu madaxda ka yahay Danjire Maxamuud Axmed Nuur, ayaa ku soo daadguraysay 268 muwaadin seddex duulimaad oo ka soo kicitimay Magaalada Nairobi (21 May, tirada dadka la soo daadgureeyay waa 114), (28 May, tirada dadka la soo daadgureeyay waa 111) iyo (28 May, tirada dadka la soo daadgureeyay waa 43).

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Islaamiga ee Pakistan ee ay madaxda ka tahay Danjire Khadiija Maxamed Almakhzuumi, ayaa ku soo daadgureysay 116 muwaadin hal duulimaad oo ka soo ambabaxday Magaalada Islamabad 24 May.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda India ee ay madaxda ka tahay Danjire Faaduma Cabdullaahi Maxamuud, ayaa ku soo daadgureysay 128 muwaadin hal duulimaad oo ka soo kicitintay Magaalada Xeydarabaad 6 June.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Uganda ee uu madaxda ka yahay Siihayaha Safaaradda, Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) , ayaa ku soo daadgureysay 84 muwaadin hal duulimaad oo ka soo ambabaxday Magaalada Kampala 1 June .

Qunsuliyadda guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jeddah, Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee uu madaxda ka yahay Qunsulka guud Mudane Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar ayaa fududeeyay howsha tarxiilka 581 muwaadin oo lagu qaaday shan duulimaad oo ay kiradeeda bixisay Dowladda Sacuudiga, waxaana tiradaasi sii dheer 50 muwaadin oo la soo daadgureeyay (29 May, tirada dadka la soo tarxiilay waa 132), (30 May, tirada dadka la soo tarxiilay waa 125), (31 May, tirada dadka la soo tarxiilay waa 126), (1 June, tirada dadka la soo tarxiilay waa 123) iyo (2 June, tirada dadka la soo tarxiilay waa 75 waxaa dheeraad ku ah 50 qof oo la soo daadgureeyay).

Qunsuliyadda guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dubai, Isutagga Imaaraatka Carabta ee uu madaxda ka yahay Qunsul guud Muddane Cumar Cabdulcasiis Nuur, ayaa ku soo daadgureysay hal duulimaad 86 muwaadin oo ka soo safray Magaalada Dubai 18 May.

Previous Post

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka warbixiyey guulaha ciidamada amaanka ee Galmudug.

Next Post

Qasaaraha Maleeshiyaadka Al-Shabaab Lagu Gaarsiiyay dagaal kadhacay Degaanka Abaal oo hoosyimaado Degmada Xudur oo kordhay.

Next Post
Qasaaraha Maleeshiyaadka Al-Shabaab Lagu Gaarsiiyay dagaal kadhacay Degaanka Abaal oo hoosyimaado Degmada Xudur oo kordhay.

Qasaaraha Maleeshiyaadka Al-Shabaab Lagu Gaarsiiyay dagaal kadhacay Degaanka Abaal oo hoosyimaado Degmada Xudur oo kordhay.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

August 1, 2025
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay...

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

August 1, 2025
0

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda. 1-da Agoosto 2025, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga...

Daacish Baxsad ah oo lagu qabtay Gobolka Barri.

Daacish Baxsad ah oo lagu qabtay Gobolka Barri.

August 1, 2025
0

Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay labo kamid ah maleeshiyaadka Kooxda Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey Buuraleyda...

Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay

Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay

August 1, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff ayaa maanta booqanaya Gaza si uu u kormeero goobaha cuntada lagu qaybiyo, sida...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In