Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo Muwaadiniintii ugu horeysay ka keentay Dalka Hindiya”Sawirro”.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Muwaadiniintii ugu horeysay ka keentay Dalka Hindiya”Sawirro”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa ku soo dhoweeyay  gegidda diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho 128 muwaadin oo laga soo daadgureeyay dalka India kadib markii ay ku xayirnaayeen muddo ku dhowaad labo bilood sababo ku saabsan xanuunka safmarka ah ee Koroona feyrus (COVID-19).

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka soo daadgureysatay intii u dhexeysay 25 April illaa iyo maanta oo ah 6 June 1,374 muwaadin oo ku xayirnaa todobo dal oo qaaradaha Afrika iyo Eeshiya ku kala yaalla , taasi oo ay ugu wacnayd inta badan garoomada caalamiga oo la xiray si loo xakameeyo faafidda Koroona feyrus.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Cirka ugu hambalyeeyay sanad-guuradoodii 66-aad ee aasaaskooda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Cirka ugu hambalyeeyay sanad-guuradoodii 66-aad ee aasaaskooda

February 15, 2026
Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

February 15, 2026

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku guuleysatay in muwaadiniintaasi ka soo daadgureyso wadamadii ay ku xayirnaayeen ee kala ah Turkiga, Kenya, Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Isutagga Imaaraatka Carabta, Uganda, Pakistan iyo India kadib iskaashi ay kala samaysay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo shirkadaha duulimaadka sida gaarka ah ay u leeyihiin Soomaalida si dadkaasi loogu gudbiyo halka ay ka deganyihiin dalka oo ah Magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Turkiga ee uu madaxda ka yahay Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed, ayaa ku soo daadguraysay 61 muwaadin hal duulimaad 25 April oo ka soo ambabaxday Magaalada Istanbul.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Kenya ee uu madaxda ka yahay Danjire Maxamuud Axmed Nuur, ayaa ku soo daadguraysay 268 muwaadin seddex duulimaad oo ka soo kicitimay Magaalada Nairobi (21 May, tirada dadka la soo daadgureeyay waa 114), (28 May, tirada dadka la soo daadgureeyay waa 111) iyo (28 May, tirada dadka la soo daadgureeyay waa 43).

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Islaamiga ee Pakistan ee ay madaxda ka tahay Danjire Khadiija Maxamed Almakhzuumi, ayaa ku soo daadgureysay 116 muwaadin hal duulimaad oo ka soo ambabaxday Magaalada Islamabad 24 May.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda India ee ay madaxda ka tahay Danjire Faaduma Cabdullaahi Maxamuud, ayaa ku soo daadgureysay 128 muwaadin hal duulimaad oo ka soo kicitintay Magaalada Xeydarabaad 6 June.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Uganda ee uu madaxda ka yahay Siihayaha Safaaradda, Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) , ayaa ku soo daadgureysay 84 muwaadin hal duulimaad oo ka soo ambabaxday Magaalada Kampala 1 June .

Qunsuliyadda guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jeddah, Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee uu madaxda ka yahay Qunsulka guud Mudane Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar ayaa fududeeyay howsha tarxiilka 581 muwaadin oo lagu qaaday shan duulimaad oo ay kiradeeda bixisay Dowladda Sacuudiga, waxaana tiradaasi sii dheer 50 muwaadin oo la soo daadgureeyay (29 May, tirada dadka la soo tarxiilay waa 132), (30 May, tirada dadka la soo tarxiilay waa 125), (31 May, tirada dadka la soo tarxiilay waa 126), (1 June, tirada dadka la soo tarxiilay waa 123) iyo (2 June, tirada dadka la soo tarxiilay waa 75 waxaa dheeraad ku ah 50 qof oo la soo daadgureeyay).

Qunsuliyadda guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dubai, Isutagga Imaaraatka Carabta ee uu madaxda ka yahay Qunsul guud Muddane Cumar Cabdulcasiis Nuur, ayaa ku soo daadgureysay hal duulimaad 86 muwaadin oo ka soo safray Magaalada Dubai 18 May.

Previous Post

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka warbixiyey guulaha ciidamada amaanka ee Galmudug.

Next Post

Qasaaraha Maleeshiyaadka Al-Shabaab Lagu Gaarsiiyay dagaal kadhacay Degaanka Abaal oo hoosyimaado Degmada Xudur oo kordhay.

Next Post
Qasaaraha Maleeshiyaadka Al-Shabaab Lagu Gaarsiiyay dagaal kadhacay Degaanka Abaal oo hoosyimaado Degmada Xudur oo kordhay.

Qasaaraha Maleeshiyaadka Al-Shabaab Lagu Gaarsiiyay dagaal kadhacay Degaanka Abaal oo hoosyimaado Degmada Xudur oo kordhay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Cirka ugu hambalyeeyay sanad-guuradoodii 66-aad ee aasaaskooda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Cirka ugu hambalyeeyay sanad-guuradoodii 66-aad ee aasaaskooda

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Hambalyo u diray Ciidanka Cirka ee XDS oo maanta...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO():-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM , oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka laga horgeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka laga horgeliyay

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in doorashadii Qof iyo Codka ee ka dhacday...

Safiirka JFS ee dalka Koonfur Africa oo kulan la qaatay Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee dalkaas

Safiirka JFS ee dalka Koonfur Africa oo kulan la qaatay Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee dalkaas

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(KOONFUR AFRIKA):-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afrika, Mudane Maxamad Sheekh Isxaaq, ayaa kulan ballaaran oo is-xogwaraysi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In