Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaarada Maareynta Musiibooyinka oo tababar u furtay howlwadeenno ka shaqeynaya xarumaha digniinta musiibooyinka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaarada Maareynta Musiibooyinka oo tababar u furtay howlwadeenno ka shaqeynaya xarumaha digniinta musiibooyinka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tababbar u furtay shaqaale iyo khubaro loogu talagalay in ay ka shaqeeyaan xarumaha bixiya digniinta musiibooyinka heer Federal iyo heer dowlad goboleed, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Tababbarkaan oo ay bixinayeen khubaro ku xeeldheer arrimaha cimilada iyo Maareynta musiibooyinka ayna iska kaashadeen Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda cunada adduunka ee  WFP ayaa waxaa ka faa’ideysanaya Ilaa 20 ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Gargaarka iyo la taliyeyaasha Wasaaradda, kaasi oo loogu talagalay in ay sii tababbaraan shaqaale ka shaqeyn doona xarumaha heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, wuxuuna socon doonaa muddo 5 cisho ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026

Saameynta xarumaha kasii digo qataraha ayaa door muuqda ka ciyaari doona in la xakameeyo khasaaraha ka dhasha musiibooyinka soo noq noqda ee dalka ka dhaca, sida abaaraha, fatahaadaha iyo duufaanada waxaana tababbarkaan oo jiil cusub ay ka faa’iideysanayaan maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa oo daahfuray tababarka ayaa sheegay abuurista iyo kobcinta xarumaha ka sii diga halis wadareedyada ay u sahleyso Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay awood u yeelato in ay ka jawaabto, isla markaana maareyso Musiibooyinka.

Qaar kamid ah shaqaalaha ka faa’ideysanaya tababbarka ayaa sheegay in ay wax badan kororsadeen ayna ku faraxsanyihiin in ay dalkooda u adeegaan.

Mid ka mid tababbarayaasha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu filayo in shaqaalaha maanta u furmay tababbarku ay si wanaagsan uga faa’iideystaan si casharada Maareynta Musiibooyinka ay ugu adeegaan bulshadooda.

Tababbarka ayaa qeyb ka ah heshiis hore ay u kala saxiixdeen Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada adduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan WFP, kaas oo dhigayay in dhammaan dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir loo sameeyo xarumo sii darsa halis wadareedyada isla markaana bixiya digniinaha ka hor inta aanay qatartu soo dhawaan.

Previous Post

Wasaaradda Ganacsiga oo Kulan Soo Dhaweyn ah u Qabatay Wasiiru-dawlaha Cusub ee Dhawaan loo soo magacaabay “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo khadka kula shiray Wasiirada Maaliyadda ee Dowlad goboleedyada “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo khadka kula shiray Wasiirada Maaliyadda ee Dowlad goboleedyada “SAWIRRO”

Wasiirka Maaliyadda oo khadka kula shiray Wasiirada Maaliyadda ee Dowlad goboleedyada “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

Soomaaliya Oo Ka Qayb Gashay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya Oo Ka Qayb Gashay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

July 12, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka , ahna Lataliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa Soomaaliya ku matalay Shirweynaha Dhaqaalaha...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), ayaa maanta deeq gargaar raashin ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In