Wednesday, June 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo Muqdisho ku qabtay munaasabad lagu xusayey Maalinta badqabka cuntada adduunka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 7, 2020
in Wararka
0
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo Muqdisho ku qabtay munaasabad lagu xusayey Maalinta badqabka cuntada adduunka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, Ganacsato iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka qeyb galay xuska Maalinta badqabka cuntada adduunka oo maanta oo kale laga xuso dunida oo dhan.

Ogaanshaha iyo Maaraynta halista cuntada ka dhalata, Ilaalinta halbeegyada caalamiga ah ee badqabka cuntada iyo qaabkii looga wada shaqeyn lahaa sidii ay Dadka Soomaaliyeed ku heli lahaayeyn cunto badqabta oo la isku haleyn karo ayaa inta badan looga hadlay munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaannada, Xoolaha Soomaaliya oo kaashaneya hay’adaha FAO iyo WHO.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025

Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo munaasabadda furay ayaa sheegay inay muhiim tahay in si wadjira looga wada shaqeeyo ilaalinta badqabka cuntada.

Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegay inay Xukuumadda Soomaaliya ka go’antahay sidii ay dadka Soomaaliyeed u heli lahaayeen cunto badqabta, xilli maanta dunida oo dhan laga xusay Maalinta badqabka cuntada adduunka.

Ugu dambeyn Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya ayaa indho indheeyay madal ay qaar ka mida ganacsatada munaasabadda ka soo qeyb gashay ku soo bandhigeen qeybo ka mida cunada oo badqabkooda aad looga shaqeeyay, wuxuuna ku dhiiragaliyay inay laba jibaaraan shaqada wanaagsan oo ay bulshada u hayaan, isagoo u balan qaaday in Wasaaraddu ay ka shaqeyn doonto sidii ay ganacsatada u heli lahaaueen maalgelin caalami ah.

 

 

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo khadka kula shiray Wasiirada Maaliyadda ee Dowlad goboleedyada “SAWIRRO”

Next Post

Ganacsato Soomaaliyeed oo markale dalka Boqortooyada Sacuudiga u dhoofiyay Moos “SAWIRRO”

Next Post
Ganacsato Soomaaliyeed oo markale dalka Boqortooyada Sacuudiga u dhoofiyay Moos “SAWIRRO”

Ganacsato Soomaaliyeed oo markale dalka Boqortooyada Sacuudiga u dhoofiyay Moos “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay Shirka Gogosha...

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025
0

Ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, kadib howlgal qorsheysan...

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In